Makhluuq aan noociisa abid horay loo arag oo kusoo caariyey Philippines & dadkii oo ”duco” ku waashay + Sawirro

0

(Barangay) 13 Maajo 2019 – Makhluuq dhinsan oo aan noociisa horay loo arag isla markaana ay isaga dhami tin qarisay ayaa kusoo caariyey xeeb ku taalla dalkaasi Philippines, taasoo keentay in dadka dalkaasi ay duco ku waashaan iyagoo sheegaya inuu ”qiyaamihii soo dhow yahay.”

Bahalkan oo dhererkiisu yahay 20-cagood isla markaana aad u culays badan ayaa kusoo caariyey xeebta Barangay, San Antonio, oo ka tirsan gobolka Oriental Mindoro ee dalka Philippines habeennimadii Jimcihii.

Tam Maling, oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee goobta tegey ayaa dadka uga codsaday barta Facebook inay “ducaystaan,” isagoo qiyaasay inuu ugu yaraan dhul gariir soo socdo.

Hadalsame Media