”Koloriin caba si shaydaanku idiinkaga boxo!” – 27 dhimatay & 18 bestood ah kaddib markii uu JIK ka dherjiyay wadaad kasiinadeed + Sawirro

0

(Koonfur Afrika) 08 Maajo 2019 – Warbaahinta Zambia ayaa sheegtay in ay 27 qofi dhinteen, qaar kalena ay isbitaalka yaallaan, kaddib markii ay cabeen Koloriinta Jik-ta loo yaqaanno.

Tan ugu darani waa in dadka dhintay ay ku jiraan 2 kalkaaliye iyo 4 macallin, iyadoo aan la sheegin goobta iyo kaniisadda falkan ku kacday.

Dadka isbitaalka yaalla oo lagu qiyaasay 18 qofood ayaa xaalad garaab ah ku sugan, waxaana eelka dhigay wadaad kasiisadeed oo jamaacadiisii cabsiiyay dawada koloriinta, si baa la yiri uu ”jirkooda uga nadiifiyo” shayaadiin fara ba’an ku haysa, isagoo ku amray inay koloriinta cabaan.

Shilkan oo ka dhacay Koonfur Afrika ayaa caan ku ah dhaqamo la yaab leh oo ay dadka kula kacaan niman sheeganaya inay karaamo leeyihiin oo dadka dhibaato ba’an ku haya, iyagoo diin la’aanta uga faa’iidaysanaya.

Waxyaabaha ay dadka u sheegaan waxaa ka mid ah in ay sheegtaan inay dad dhintay soo noolaynayaan, taasoo ay jilliinkeeda ku fashilmeen iyo inay jamaacada cabsiiyaan bansiin ama cows cunsiiyaan.

Hadalsame Media