NAQDIN: Istaraatijiyadda ay ku shaqayso warbaahinta DF Somalia oo la dhaliilay!

0

(Hadalsame) 07 Maajo 2019 – Dhowaan waxaa xilka laga qaaday Maareeyaha Golaha Murtida. Warbaahinta Qaranka ayaa bulshada u sheegtay.

Wasiirka Warfaafinta ayaa isaguna iska casilay xilka Wasiirnimo. Weli kuma hayo war ka baxay Radio Muqdisho, Telefishinka Qaranka ama Wakaaladda Wararka SONNA in uu Wasiirku is casilay.

Markii uu militerigu dalka ka Talinayay nidaamkaas oo kale ayay ku socotay Warbaahinta Qaranku. Ugu yaraan waa ay u shaqeyneysay maaddaama aanay jirin meel kale oo warka laga helo.

Xilligan digitalka ee saxaafadda bulshada, Raadiyayaal iyo telefishinno tiro badan ay tartan ku jiraan, ma garan karo maskaxda ku talineysa Wasiir isagiiba idaacadaha iyo saxaafadda bulshada soo taagan oo is fasiraya, ee waliba adiga oo aan raadin aad ku dhex arkeyso mobile-kaaga in Warbaahinta Qaranku ay isku daydo in ay warkaa ka qariso bulshada.

Casirigan war jira lama qarin karo, laakiin waxa kaliya oo ay Madaxdu sameyn kartaa waa in ay amar ku dhiibaan in aan wararka aan dhegeahoodu jecleysaneyn laga sii deyn idaacadda, taas oo natiijadeedu noqoneyso in Warbaahinta Qaranka loo dabro Warbaahinta kale ee la tartameysa.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media