DAAWO: Taageerayaasha Liverpool oo sameeyay xeelad ay ku wiiqayaan bandhigga Messi & Barca

0

(Liverpool) 07 Maajo 2019 – Taageerayaasha Liverpool oo ay guul uga caddahay ayaa wax kasta hollinaya si ay u jeediyaan feejignaanta laacibiinta Barca, iyadoo xalay xilli dambe bullalayr ka shiday meel aan ka fogayn hoteelka Barcelona.

Labada naadi ayaa caawa ku ballansan lug labaadka rubuc-dhamaadka Koobka Horyaallada Yurub ee  Champions League, waxayn taageerayaasha Reds adeegsadeen xeel cajiib ah, si ay u wiiqaan hannaanka is diyaarineed ee kooxda lidka ah.

clash with a late-night fireworks show.

Taageerayaal ka tirsan kooxda Liverpool ayaa bulallayr ka shiday bannaanka hoteelka 5-ta xiddigood ee Hilton oo ay joogaan xiddigaha Barcelona kuwaasoo uu dabcan ku jiro arbohoooda Lionel Messi oo caawa laga sugayo ciyaar adag oo ka dhacaysa gegada Anfield.

Muuqaallo baraha bulshada wareegaalaysanaya ayaa muujinaya taageerayaal ku xadraynaya magaca Messi oo bulallayr ka shidaya bannaanka hoteelka, si ay hurdada uga qasaan kooxda reer Catalonia.

Hadalsame Media