Maxkamadda Gobolka oo xukunno kala geddisan oo dil ku jiro riddey (Hooyadii gabadhu maku jirtaa?)

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2019 – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun dil ah ku ridday saddex qof oo ka mid ahaa dadkii loo heystay dilka Axmed Mukhtaar Saalax oo loo yaqaannay axmed (dowlo).

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed, ayaa sheegay in dil lagu xukumay dadka kala ah: Asli Axmed Cabdulle oo ah gabadha habaryarteed iyo Aweys lidow Maxamed iyo walaakii Xuseen lidow Maxamed oo gabadha ku hooyo ah ahaana dadkii ku eedaysnaa fulinta dilkii degmada Yaaqahiid loogu geystay A.U.N Axmed Dowlo kaas oo dhacay 20-kii Sebtembar 2018kii.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sii deysay markii wax dambi ah lagu waayay afar qof oo kale oo ku eedeysnaa dilka Axmed Mukhtaar Saalax (Dowlo).

Dadka dilka lagu xukumay ee 3-da ah ayaa waxaa la sheegay inay ku jirto gabadha habaryarteed, halka hooyadii gabadha lagu xukumay sanad xabsi ah laakiin waxaa la sheegay inay rafcaan ka qaadatay.

Weli nama soo gaarin in dadka la xukumey ay go’aankan rafcaan ka qaateen iyo in kale.

Hadalsame Media