Maxay Somalia uga dayan kartaa MW Thomas Sankara? Taliyihii tuugsiga diidey ee isku tashaday!

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2019 – Madaxdii gumeysi diidka geesiyada ahaa ee soo marey qaarada afrika marka laga hadlayo taariikhdooda waxaa safka hore kaga jira madaxweynahii hore ee dalka Burkinafaso, Thomas Sankara, oo talada wadankiisa qabtay Sannadkii 1983-kii xiligaas oo uu ahaa nin dhalinyaro ah oo da’diisu aheyd 33 jir.

Hogaamiye Sankara waqtigaas waxyaabihii ugu horeeyey ee uu qabtay markii xukunka uu la wareegay waxaa ka mid ahaa inuu dalka ka tiritiro musuqmaasuqa iyo faragalinta shisheeye, waxaana si uu qorshihiisa uu u fuliyo uu iska bilaabay in isagu mushaar ahaan uu qaato lacag dhan 450 Dolar bishii.

Madaxweyne Sankara arimaha kale ee uu ku dhaqaaqey intii uu talada hayey waxaa ka mid ahaa in madaxweynahu uu isticmaalo hal gaari oo nuucyada aan qaaliga aheyn ah wuxuuna sidoo kale dalbaday in ay shaqaalaha dawladu xirtaan dharka laga sameyo cudbiga dalka kabaxa oo ay sameeyaan farsamo yaqaanada reer Burkinafaso ah si uu u dhiirigaliyo wax soo saarka dalka waxaana mar waxa laga weydiiyay sababta uu u diiday in ay dadku sawirkiisa gidaarada suraan ayaa wuxuu ku jawaabay waxaa jira 7 milyan oo Sankara.

Madaxweynnihii hore ee dalka Burkinafaso Thomas Sankara wuxuu diiday inuu dalalka reer galbeedka ka qaato deeqaha ay siiyaan dalalka afrikaanka ah isagoo aaminsanaa qaacidada oranaysa “Ruuxa cunto ku siiya ayaa kuu taliya” sidaa daraadeed wuxuu shacabkiisa ku dhiirigaliyay in ay tabcadaan beeraha soona saartaan cuntadooda intii ay gacanta u hoorsan lahaayeen reer galbeed deeqdiisa ku raadinaya in ay qaataan khayraadkaaga, wuxuuna isla sannadkaas waxsoo saarka qamadigu kor u kacay 1700-3800 halkii hektar isagoo dakiisa ka dhigay mid cuno ahaan isku filan.

Hogaamiyahan wuxuu si codkarnimo leh uga hadlay shirarka madaxda afrikaanka ay isugu yimaadaan isagoo dhaliilayay gumaysiga wejiga cusub kusoo galaya Afrika iyaga oo huwan shaarar ganacsi,dhaqaale iwm wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay dalalka afrikaanku iska diiidaan in ay bixiyaan deymaha reer galbeedka ku leeyahiin isagoo ku andacoonaya in saboolka iyo ruuxa khayraadkiisa la boobayaba aysan waajib ku ahayn in ay iska bixiyaan deymaha lagu leeyahay.

Wuxuu dib u iibiyay gawaarida ay madaxda dawladu ku socdaan ee ahaa nooca loo yaqaan Marcedes wuxuuna ku badalay nuuca Renault 5 oo qiimo ahaan aad u jabnaa wuxuuna ka dhigay gaariga rasmiga ah ee ay wasiiradu ku socdaan. Wuxuu sido kale mamnuucay in ay madaxdu isticmaalaan ticketka VIP da (1st class airline ticket) wuxuuna dhulkii dib ugu qaybiyay beeralaydii dalkaas.

Dalalka reer galbeedka gaar ahaan Faransiiska oo dalkaas gumeysan jirey ayaa markii ay dareemeen in Madaxweyne Sankara uu halis ku yahay qorshahooda ayey waxa ay abaabuleen shirqool lagu dilo waxaana dhacday in Sannadkii 1987-kii Faransiisku rag uu adeegsaday oo gacanyarayaal gumeysiga u adeega ah ay khaarijiyeen. Isagoo ku dhawaaqaya “Hadii aad dishaan dadka kacaanka ah waxaa adag sida aad ku dishaan afkaartoda.”

Waxaa Diyaariyey: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media