DEG DEG: Booliiska Nairobi oo qabtay nin xaaskiisii jar-jaray!

0

(Nairobi) 28 Abriil 2019 – Booliiska ayaa qabtay nin lagu eedaynayo inuu xaaskiisii ku qalay agagaarka Transami oo ka tirsan xaafadda Embakasi, ismaamulka Nairobi County.

Dad u warramay Citizen Digital oo goobjoog ahaa ayaa sheegay in haatan ay booliisku arkeen maydka xaaskii ninka oo jarjaran, kaasoo aan weli loo qaadin qaybta qaboojinta ee isbitaalka.

Eedaysanaha ayaa loo dhigay Saldhigga Booliiska Embakasi isagoo halkaa ku xirnaan doona inta maxkamad laga soo taagayo maalmaha soo aaddan.

Arrintan ayaa walaac hor leh abuuraysa maadaama ay qayb ka tahay moowjado sii kacaya oo ku aaddan rag haweenkooda dilaya oo ah fal dembiyeed soo badanayey sanadihii dambe.

Xog dheeraad ah naga dhowr i/A ….

Hadalsame Media