(Milano) 26 Abriil 2019 – Waxaa la dusiyey sawirka funaanadda AC Milan ku ciyaarayso fasal-ciyaareedkan, iyadoo dib ugu noqotay muuqaal hore.
Maaliyaddan cusub oo ka kooban midabbada caanka ah ee casaanka iyo madowga oo laakiin ka yar yar diilimaha caadiga ah ayaa shabbaha mid ay xirnay fasalladii 2011-12 iyo 98-99.
Waxay sidoo kale qoorteedu u samaysan tahay wareeg kulleeti la’aan ah, iyadoo ay funaanaddan 1-aad wehliyaan matante iyo iskaalshooyin (sigsaan) cad cad.
Alessio Romagnoli, Krzysztof Piatek, Lucas Paqueta, Suso iyo laacibka Chelsea ka amaahan ee Tiemoue Bakayoko ayaa lagu soo bandhigay.
Hopefully we play in CL with this beautiful shirt. pic.twitter.com/vGhe7gmNKV
— redNblack (@pedro_cojones) April 26, 2019
Hadalsame Media
Facebook Comments