”Igu sawir wejigii aabiga!” – Gabar Muslimad ah oo dunida ka yaabisay! + Sawirro

0

(Washington, DC) 25 Abriil 2019 – Gabar Muslimad ah oo 24-jir ah ayaa dad badan oo baraha bulshada adeegsada tusaale ay ku daydaan u noqotay kaddib markii ay qaadday tillaabo cajiib ah.

Shaymaa Ismaa’eel ayaa jeer ay ka qayb qaadanaysey shirka Islamic Circle of North America ee Washington, D.C. waxaa ku dibad baxay kooxo Islaamka neceb oo boorar cambaarayn ah soo qaatay.

Yeelkeede, halkii ay ka hor tegi lahayd ama ay iyaduna cambaarayn lahayd waxay go’aansatay ‘in ay ku qososho wejigii isla waynida iyo kibirka.’

Shaymaa ayaa sawir dhoolla caddayn ah hortooda ku gashay iyadoo faraha ku muujinaysa astaanta guusha iyo nabadda.

“Waxaan u qayliyay saaxiibteey Jamilah, ‘Waa kuwaane! Sawir ma iga qaadi kartaa?’,” ayaan iri ayay ku tiri Buzzfeed.

Hadalsame Media