”Xaqiiqada” xarigga Coldoon, sababta, sida loo qabtay & halka uu haatan ku sugan yahay!

0

(Burco) 18 Abriil 2019Cabdimaalik Muuse Coldoon oo uu weheliyey inaabtigii Diiriye jaamac cabdi waxay wateen gaadhi indhacad ah saacadu markay ku dhaweyd 9kii habeenimo waxay gaadhiga kaga dageen agagaarka xafiiska sagal jet halkaas oo uu cabdimaalik ku salaamayay qaar ka mid ah asxaabtiisa, sida uu qoraalka u dhigay Dawlad Xasan.

Sida uu qabo Dawlad Xasan, waxay soo kaxaysteen gaadhigoodii iyaga oo u jihaystay dhinaca xaafada machadka ee Burco oo ay booqasho ugu tageyeen qoys ka mid ah eheladooda markii ay guriga gaadheenba waxay ku war heleen gaadhi indhacad ah oo ciidan saaranyihiin oo si xawli ah dhinacooda ugu soo ordaaya.

Intaas kaddib Cabdimaalik gurigii ayuu gudaha ugalay wuxuuna doonay in uu ka dhaco xaga dambe ee guriga waxaa badhitaaray oo ku taageeray ka booditaankii uu guriga xagiisa dambe ka boodayay rafiiqiisii diiriye jaamac cabdi oo mudooyinkii dambe isagu rafiiq u ahaa Cabdimaalik.

Deeto Cabdi Maalik oo ciidan badani ay jihooyin kala duwan ka soo weerareen ciidamo kale ayaa gacanta ku dhigay kaddib markii uu ka soo baxsaday kuwii guriga kadinka hore ka soo galay.

Cabdimaalik waxaa lagu xidhay xabsiga dhexe ee magaalada Burco, balse isla xalay ayaa loo soo gudbiyay magaalada Hargeysa oo markii horeba waaranka qabashadiisa laga soo diray.

Wararka sheegaya in ay basaaseen qaar ka mid 2diisii saaxiib ee ay hawdka wada galeen waxba kama jiraan, khilaafna kamuu dhaxayn asxaabtiisan, xadhigiisana waxaa looga shaki qabaa in uu ka dhashay salaantii uu dadka salaamayay in lagu warhelay gaadhiga uu wato iyo socodkiisaba halkaasna laga raad qaaday.

Cabdimaalik waa astaan ka mid ah kuwa ra’yi dhiibashada iyo xorriyada waana suxufi ay kuwada tashadaan umadda Soomaalida mana matelo qabiil gaar ah waxaynu u rejaynaynaa in uu cadaalad helo inaga oo ku hanweyn in uu xoriyadiisa heli doono hadii aan lagu haysan dambiyo lagu cadeeyay.

FG: Xogtan waxaan ka soo xaqiijiyay qoyskiisa

Waxaa Diyaariyey: Dawlad Hassan Elmi

Hadalsame Media