”Boqortooyo qiimaheeduba yahay koob biyo ah iyo kaadi uma qalanto in lagu tartamo!”

0

(Hadalsame) 17 Abriil 2019 – Boqorkii Haaruun Alrashiid ayaa loo keenay koob biyo ah.

Markii uu damcay inuu kabbado ayaa shiikh ag fadhiyey oo la oran jirey Ibnu Sammaak ku yiri “boqoroow haddii laguu diido koobka biyaha ah maxaad ku iibsan lahayd?”

Wuxuu yiri “boqortooyadayda barkeed”. Markii uu cabbay ayaa haddana shiikhii weydiiyey “boqorow haddii biyahaas jirkaaga ka soo bixi waayaan (kaadidu kugu dhegto) maxaad ku iibsan lahayd?”

Wuxuu yiri “boqortooyadayda oo dhan.”

Sheekhii ayaa markaas ku yiri “Haddaba boqortooyo qiimaheeduba yahay koob biyo ah iyo kaadi uma qalanto in lagu tartamo.”

(Albidaayah wa Nihaayah, sannadkii 193).

Maxaad kala dhex baxday?

Waxaa Tarjumey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media