Qunsuliyadda Canada ee Nairobi oo ka qayla dhaamisay dad Canadian ah oo Hargaysa ku xiran

0

(Nairobi) 10 Abriil 2019 – Laba gabdhood oo Soomaali Canadian ah ayaa la sheegay in lagu xirey Somalia, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaarad Dibadeedka dalkaasi John Babcock.

Saraakiisha Qunsuliyadda dalka Canada ee Nairobi ayaa iminka xiriir la sameeysay dhanka Somalia si ay wax uga ogaadaan waxa dhacay, isla markaana adeeg Qunsuliyaadeed loo gaarsiiyo dadkaa xiran, waloow aan la sii daynin xogo badan oo dheeraad ah.

Yeelkeede, Jason Jeremias, oo ah gayfane reer New York ah oo u dooda ururka Price of Silence ee xuquuqda insaanka oo la xiriirey warqaadka The Globe and Mail ayaa shaaca ka qaaday in dadka xirani ay yihiin laba haween ah.

Waxay kala yihiin Maymona Abdi iyo Karima Watts Omer, isagoo sheegay in Ms. Abdi ay tahay gabar u dhaqdhaqaaqda haweenka, iyadoo iminka lagu hayo Saldhigga Booliiska Koodbuur Police Station ee Hargaysa ilaa bishii Jannaayo.

Ms. Abdi and Ms. Watts Omer were detained by police in the city of Hargeisa, which is located in Somaliland, an autonomous region within Somalia, he said.

Sida uu sheegay isla Jeremias, Ms. Watts Omer waa madaxwaynihii hore ee hay’adda Richmond, B.C., isagoo sheegay in ay jirtey haweenay 3-aad oo reer UK ah oo lala qabtay, balse lasii daayay.

Labadan haween ah ayaa la sheegay inay xaalad jireed iyo mid niyadeed kala soo gudboonaatey xiritaanka, iyadoo ay midkood qaar-jeex ka sheeganayso.

Hadalsame Media