DAAWO: Xil-dhibaannada Iiraan oo kal-fadhigii maanta soo xirtey dharka Ilaalada Jamhuuriga (Sabab?)

0

(Tehraan) 09 Abriil 2019 – Xil-dhibaannada dalka Iiraan ayaa hiillo ballaaran u muujiyey Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga iyagoo kal-fadhigii maanta u soo xirtey dharka ciidamadaasi, jeer ay ku qaylinayeen ”Maraykanku ha dhinto!”.

Tillaabadan ayay uga hor jeedeen tillaabo lala yaabay oo uu Maraykanku qaaday, isagoo wax uu ku sheegay ”liiska argagixisada” ku daray ciidamadaasi Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC).

Xubnaha Baarlamanka oo kala socda dhowr firqo siyaasadeed ayaa u midoobey qaddiyaddan iyagoo soo xirtey dharka juungalka ah ee ku midabaysan cagaarka dugulka ah.

Xil-dhibaannada ayaa ku qaylinayay halku-dhegyo ka dhan ah Maraykanka iyo Israel, iyadoo ay arrintani kusoo aaddey Maalinta heer qaran Ilaalada Jamhuuriga dalkaasi.

Iiraan ayaa iyaduna shalay dowladda Maraykanka, ciidamadeeda iyo ciddii la olog ahba ”argagixiso” u aqoonsatay.

Hadalsame Media