SIRTA QARSOON: Maxay tahay sababta ay Sucuudiga, Turkiga, Qadar iyo Imaaraadku ugu dagaalsan yihiin Somalia? (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2019 – Soomaaliya waxa ay dhexda u gashay dadaallada dalalka Bariga Dhexe ku doonayaan in ay saamayn ugu yeeshaan Geeska Afrika.

Sacuudi Careebiya iyo Imaaraadka Carabtu waxa ay u arkaan xeebaha Soomaaliya iyo Jabuuti “meel muhim u ah amaanka Galbeedka”, sida uu qabo diblomaasi sare oo reer Galbeed ah.

Qadar iyo Turki oo maalgalibtiisu inta badan Muqdisho ku kooban tahay waxa ay taageerayaan Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Agaasimihiisa waxaa Soomaali badan iyo diblomaasiyiinta Galbeedkuba u arkaan in ay daacad u yihiin Qadar kaddib markii ay dakhligii doorashada ka heleen Qadar 2017.

Sarkaal Qadari ah ayaa Reuters u sheegay in Dooxa Soomaaliya siisay $385 oo doollar oo ku socda kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo gargaarka aadmiga taas oo Qadar toos u siisay dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Sarkaalku waxa uu sheegay in la macaamilka Imaaraadka ee Maamul Goboleedyadu ay majo-xaabinayso dawladda dhexe.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa la qaba. “Dalalka gacanku waxa ay hayaan maal badan haddii ay rabaan in ay Soomaaliya maalgashadaan gacmo furan ayaan ku soo dhawaynaynnaa, laakiin su’aashu waxa ay tahay ma soo garaacayaan albaabkii saxda ahaa?”

Dawladda Federaalka ee fadhida Muqdisho muddo dheer ayay is jiirsanaayeen maamullada Puntland iyo Somaliland oo had iyo goor u nugul siyaasadaha lagu lug gooynayo Somalia.

Kan dambe waxa uu dhaqmaa sidii dal madaxbaan oo kale sanado badanna waxa uu doonayay in uu Soomaaliya ka go’o, laakiin ku ma guulaysan in uu aqoonsi helo.

Arrimaha dhibaatooyinka ah ee qaybsanaanta ka dhashay waa la’aanta hannaan dhexe oo adag, taasoo meesha ka saartay in la maalgashado Soomaaaliya.

Taasi se 2011 ayay bilaabatay in ay isbeddasho markii Shabaab Muqdisho laga saaray. Bilooyin kaddib Turki ayaa bilowday gargaar macluushii 2011 ay ka geysaynayso, taasi waxa ay irdaha u furtay in ay noqoto maalgashadaha ugu wayn ee Soomaaliya.

Dawladdu waxa ay rajaynaysaa in maalgashiga cusubi caawin karo dib u dhiska dalka gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Canshuur qaadidda ayaa kordhinaysa dakhliga dawladda, laakiin taasi waxa ay dabooshay mushaarka shaqaalaha dawladda oo kaliya.

Qaybo baaxad leh oo caasimadda ka mid ah ayaa u baahan waddooyin, iskuullo iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah. Sharikadaha Bariga Dhexe iyo kuwa gargaarku caawimaad ayay ka gaysan karaan dhismaha waxyaabahaas kore.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyay: Cali Ma Diini

Hadalsame Media