Kenya oo ku hungoowdey u humbaallayntii Somalia (Hague oo ay u hoggaansamayso & dood yaab leh oo ay diyaarinayso)

0

(Nairobi) 22 Maarso 2019 – Dowladda Kenya ayaa ku fashilantay humbaallays ay ku doonaysay inay Soomaaliya ugu dirqiso inay doodda dhanka badda ee ay abuurtay uga dhamaystato qaab xeer jajab ah, taasoo keentay inay ogolaato in ay ka dhur sugto go’aanka Maxkamadda ICJ ee Hague.

Nairobi ayaa iminka ku howllan inay isku duwdo warqadihii ugu dambeeyay ee ay la hortegi lahayd maxkamadda oo bilaabmaysa bisha Sebtembar.

Sanadkii 2016, Kenya ayaa ku fashilantay isku day ay ku hollinaysey in ay Maxkamadda ICJ u sheegto inaysan xaq u lahayn go’aaminta arrintan.

Kenya ayaa la sheegayaa inay doodeeda ku dari doonto qiimaynta kasoo baxday sahanka dhul badeedkaas iyadoo ku doodaysa in ay ka buuxdo macdan kasoo guurtey dhanka webiyada Kenya taasoo ku faaftay ilaa 300 oo nautical mile. waxayna adeegsanaysaa dhul yaqaan Chinese ah.

Kenya ayaa ku doodaysa in khadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya la raaciyo loolka, halka Somalia ay ku doodayso in la raaco xarriijinta kala qaybisa labada dal.

Hadalsame Media