DHEGEYSO: Wax kasta oo aad uga baahan tahay kulanka Derby della Madonnina (Tebintii Xaaji)

0

(Milano) 17 Maarso 2019 – Waxaa caawa la ciyaarayaa kulanka adag ee Derby della Madonnina oo doonaya inuu dib ugu soo noqdo derby-ga adduunka oo uu mar ahaan jirey.

Wuxuu ahaa filasuufkii Ruushanka ahaa ee Fyodor Dostoevsky ninkii yiri: “Tillaabo cusub oo aad qaaddo, iyo tiraab cusub oo aad tiraahdo, waa waxa ay badiyaa dadku ka baqaan.” Taasi waa waxa ay Milan iminka samaynayso.

Halkan ka DHEGEYSO…

Aan dib idiin yara celiyee, bishii Oktoobar ee sanadkii tegey, aad bay u kala duwanaayeen dunida Rossoneri iyo midda Nerazzurri, gaar ahaan markii ay tan dambe guul ku dabbaal degtey daqiiqaddii ugu dambaysey lugtii hore ee Derby Della Madonnina, goortaasoo uu diraca Inter ee Mauro Icardi uu gool dabamariyay Donnarumma oo si khaldan u akhriyay tiirada iyo hoobadka kubadda.

Yeelkeede, haatan taasi waxay u muuqataa xusuus hore, waayo labada kooxiba aad bay isu bedeleen 5-tii bilood ee lasoo dhaafay, tusaale ahaan, derby-gii hore, Inter ma bilnayn balse waxay ahayd koox baxdooy ah oo ciyaaraysa kubad hab beddelkeedu aad u sarreeyo, waxaa u dheerayd inay ahayd koox guuleed.

Kooxda Luciano Spalletti, waxay derby-ga isu diyaarinayeen iyagoo gaarey 6 guul oo xiriir ah, kuwaasoo ay ku garaaceen kooxo gudo iyo dibedba lahaa sida Tottenham Hotspur, PSV, Fiorentina, Sampdoria, Cagliari iyo SPAL.

Dhanka kale, AC Milan oo marti ahayd, ma ahayn koox lagu tashan karey oo waa tii baxaa degeeysey, waxay ka badisay kooxaha Sassuolo iyo Chievo, balse waxay dhibcaha la qaybsatay kooxo ay ka mid yihiin Empoli iyo Cagliari, mana u muuqanin koox isla haysata oo isla jaanqaadaysa. Gonzalo Higuain ma lahayn astaamaha qannaas 20 gool sanadkii dhaliya.

Shaki kuma jiro in Milan ay xilligaa u ekayd koox la legdamaysa dhismaha asaaskeeda, halka ay Inter Milan ahayd koox uu saqafka oo qur ihi u harsan yahay.

Yeelkeede, tan iyo habeenkii uu Icardi guusha ka xaday kooxda Milan oo ay la ahayd inay ciyaartu barbarro ku idlaatay, waa is bedeleen wax kasta oo ku saabsan dhanka cas iyo dhinaca buluugga ah ee caasimadda xarragada Talyaaniga ee Milano.

Inter waxay guushii Derby-ga raacisay guul kale oo qurux badnayd oo ay Lazio 3-0 uga badisay, waxay ku dartay 5 ay ku xaaqday Genoa kahor inta aysan taayarradu u bixin, intii u dhaxaysey Nofeembar iyo Febraayo, waa sida dagaalyahankii Napoleon oo barafka eeday markii uu duullaanka ku ahaa dhanka Moscow, wax kasta waxaa malaha caqabad ku noqday qaboowgii jiilaalka.

Waxaa markaa bilowday hashkadaynta taayarrada Inter, kaddib markii uu yimid muran ku saabsan qandaraaska Icardi iyo Inter, waxaa sidoo kale in Arsenal iyo EPL loo fasoxo suuq jiilaalkii Jannaanyo si furan u codsaday Ivan Perisic, waxaasoo dhamina waxay si taban u sameeyeen tabartii iyo jihadii ay u shiraacanaysay doonida Inter, waxaana arrinta uga sii daraya sida qallafsan ee uu Spalletti u fahamsan yahay xiriirka dadwaynaha iyo qaabka uu maareeyay arrinta Icardi oo uu kabtannimada ka xayuubiyay, taasoo Inter u qaybisay dhowr qabiil oo is khilaafsan, Argentine, Italian iyo Slav, waxaana dhaawaca kooxda cusbo taabsiisay in ay kooxdu Khamiistii EL uga hartay gacmaha Eintracht Frankfurt, jeer uu Spalletti si lala yaabay ciyaarta usoo geliyey ilmo uu ka keenay Primavera, isagoo aan midna ka haysanin labadiisa weerar ee dhexe oo ay mid isaga is eedsan yihiin.

Dhanka cas ee Milano, iyana xaaladdu aad bay isu bedeshey ilaa bishii Oktoobar. Gattuso wuxuu muujiyay inuusan kaliya ahayn nin burjaawi ah oo indha guduudis iyo halla iga xishoodo uun wax ku xalliya, balse wax ka yaqaanna xeeladda kubadda cagta iyo maaraynta dadka, wuxuu kooxda oo bilaa beteri ahayd dib ugu tallaalay ruuxdii iyo riiqdii muddo ka maqnayd, isagoo sidoo kale adkeeyay daafaca kooxda oo iminka noqday midka ugu bakhiilsan Yurub oo idil.

Waxaa sii caawisay suuq jiilaalkii Jannaayo oo ay Milan ahayd kooxda Yurub oo idil ugu kharash badnayd waxay Higuain oo Chelsea aadey ku bedeleen Polish-ka Krzysztof Piatek oo 7 kulan 6 gool u dhaliyay Milan iyo Lucas Paqueta, kuwaasoo markii dhulka la dhigayba horay ka dhaqaaqay.

Milan oo aan Serie A iyo Coppa Italia looga badin sanadkan 2019 ayaa 10 kulan 7 badisay, 3 kalena barbarro gashay, balse waxay caawa ciyaaraysaa Derby Milano oo aan ahayn kulan ay natiijadiisu ka turjunto kooxdii markaa cad cad, kuna darsoo Milan oo laba kulan kahor uun la wareegtey kaalinta 3-aad, waxay hal dhibic oo qura ka sarraysaa kooxda Inter oo ah kooxdii ay booskaa kala baxday, sidaa darteed kama dhigna in Inter dhimatay oo la aasay.

Sidaa darteed, kulankan Derby Milano oo markii ugu horreeysey muddo dhowr sano ah ay labada naadi dheelayaan iyagoo u ordaya boosChampions League kooxdii badisaba waa u faa’iido, waayo haddii Milan badiso waxay xajisanaysaa kaalinta 3-aad, iyadoo cadaadiska ku kordhinaysa kooxda Napoli oo 2-aad ku jirta oo 6 dhibcood ka sarraysa, halka Inter ay 3-aad kusoo noqon karto, Milan waxaan sidoo kale uga darraynin barbarro.

Dhanka kale, magaalada Milano ayaa doonaysa inay soo ceshato qiyamkeeda ah caasimadda kubadda cagta, waxaana ciyaartan laga daawan doonaa 200 dal, waxaa kasoo qaybgeli doona in ka badan 600 oo saxaafadda ku hoowllan, kuwaasoo ay 260 ka mid ihi weriyeyaal yihiin, 60 sawir qaade iyo ilaa 300 oo ka shaqeeya wax soo saarka TV-yada ayaa ka mid ah. Waxaa ciyaartan tebinteeda kaliya ku qaysanaan doona 25 kaamiro oo ah nooca casriga ah ee isha macaan ee ku shaqeeya hannaanka 4K resolution oo ku siinaya muuqaal fasiix ah oo joog iyo jiifba leh.

Kulankan oo ka tirsan Serie A ee caawa kulminaya kooxaha AC Milan iyo Inter Milan, wuxuuna horyaalka Talyaaniga ka noqday rikoodh cusub oo dhanka dakhliga ah, iyadoo ay garoonka oo qura kasoo xaroonayso €5.7m.

Waxaa wada gadmay dhamaanba kuraasida garoonka oo ka badan 85,000 oo kursi, wuxuuna dhanka dakhliga ka sara maray ciyaartii awal rikoodhka haysatey oo laga helay €5.29m taasoo Inter iyo Juventus ku dhexmartay San Siro, Abriil 2018.

Garoonka San Siro oo marti loogu yahay kooxda AC Milan oo caawa taageerayaasha iyadu leh marka laga reebo wax ka yar 5,000 ayaa waxay garoonka ku casayn doontaa nalal lagu xirayo dhinacyada garoonka, kaasoo ah olole is xayaysiin ah oo loogu magac daray ‘Join the flame’, waxaana ka daarmaya 170 nooc oo dhudo ifaya ah, kuwaasoo isu gayn ahaan soo saaraya wax u eg dambaaburo dab ah oo holcaya, halka rapper-ka Ghali oo ah taageere Milan, uu garoonka ka qaadi doono hees cusub oo hal ku dheggeedu yahay ”i love you’, ciyaarta kahor.

Biririfta nasiinada, laacibiintii hore ee Milan sida Christian Abbiati, Massimo Ambrosini, Cafu, Dida, Pippo Inzaghi, Alessandro Nesta iyo Massimo Oddo ayaa dadka usoo bandhigi doona funaanadda Milan Glorie ee ay xiran doonaan kulan samafal ah oo ay la leeyihiin halyeeyada Liverpool Legends oo ay Anfield kula ballansan yihiin Maarso 23.

Derby Milan, Derby della Madonnina ama Derby del Fouco oo ka dhigan derby-gii qaaca, waa kulan iska indha tira wax kasta oo ku xeeran, xiisihiisuna waa ruuxi oo kuma xirna xaaladda ay kooxi ku sugan tahay, booska ay ku jirto iyo dhibka haysta, waayo derby Milano waa derby mar kasta iskii u shidan.

 

Cudur daar: Waxaan ka xunnahay cilladda yar ee dhanka mikrafoonka ah oo aan xallin doonno insha ALLE.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media