SAWIRRO: Muslimiinta Australia oo looga DIGEY inay masjidyada tagaan (Jawaabta ay ka bixiyeen & siyaasiyiinta dalkaasi oo la eedeeyay)

0

(Sydney) 15 Maarso 2019 – Jamaacooyinka masaajidyada ugu waawayn dalka Australia ayaa iska dhega tiraya digniin loogu jeediyay inay masaajidyada ka fogaadaan, iyagoo iskugu soo baxay masaajidyada si ay ugu duceeyaan Muslimiintii maanta duhurkii xilliga NZ lagu laayay masaajidyo ku yaalla Christchurch.

Waxaa la arkayay kumanaan Muslimiin ah oo iskugu soo baxay masjidka Lakemba oo ku yaalla koonfur galbeed magaalada Sydney, si ay halkaa maqribka ugu dukadaan.

Daraasiin booliis ah ayaa taagnaa bannaanka masaajidka oo ay salaadda maqrib ku oogeen saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 7.17pm.

Xaaladda masjidka Lakemba ayaa murugo ka buuxdey waloow ay dadku ku dhiirradeen inay isu soo baxaan, iyagoo salaad duco ah u dukadey Muslimiintii lagu laayay Christchurch, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 49 qofi.

Siyaasiyiinta Australia, oo ah dalka uu kasoo jeedo ninka gaystey qaybta ugu wayn weerarka dhacay ayaa lagu dhaliilay inay shaydaameeyaan Muslimiinta oo ay u sawiraan dad halis ku ah mujtamaca dalkaasi, taasina ay dhiiri gelisey weerarrada noocan ah.

Hadalsame Media