CHIEVO VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Verona) 09 Maarso 2019 – Waxaa caawa fiidkii isku dheggan labada kooxood ee Chievo oo magaalada Verona marti loogu yahay iyo AC Milan oo doonaysa inay sii amba qaaddo hadafkeeda dhanka Horyaallada Yurub.

Dhanka Chievo: Rigoni ayaa ganaaxan waxaa se soo noqonaya Hetemai, waxaana khadka dhexe la jooga Dioussè iyo Leris. Boos daafaca ah waxaa iskula dheggan Rossettini-Jaroszynski. Waxaan la wicin waayeelka Pellissier.

Dhanka Milan: Laacibka Rodriguez oo ganaaxan waxaa kabihiisa illanaya Laxalt, sida uu Gattuso ka sheegay shirka jaraa’id. Khadka dhexe waxaa laga neefinayaa Bakayoko oo uu bedelayo Biglia oo soo laabtay. 3-da weerarka ihi waa Castillejo oo fooska ka xiga Borini iyo Calhanoglu oo ku maqan xaaskiisa oo umushay. Waxaan loo yeerin Zapata iyo Mauri.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 67 CAPRILE, 33 ANDREOLLI, 6 FREY, 12 CESAR, 15 ROSSETTINI, 13 KIYINE,  55 VIGNATO, 7 PIAZON, 21 BURRUCHAGA, 69 MEGGIORINI, 10 PUCCIARELLI, 25 GRUBAC
  • 25 REINA, 90 A. DONNARUMMA, 23 STRINIC, 20 ABATE, 33 CALDARA, 10 CALHANOGLU, 14 BAKAYOKO, 2 CALABRIA, 18 MONTOLIVO, 16 BERTOLACCI, 11 BORINI, 63 CUTRONE

GANAAXAN

  • Rigoni
  • Rodriguez

AAN LA HELI KARIN

  • Seculin, Schelotto, Tomovic, Pellissier, Semper
  • Bonaventura,  Zapata, Mauri

Hadalsame Media