”Waa taase biyo ka CABA!” – Xildhibaan markii laga guulaystey dumiyey ceelal uu olole doorasho ku galay!

0

(Nebbi) 04 Maarso 2019 – Xildhibaan Ugandese ah ayaa burburiyey 10 ceel oo uu laftiisu qoday kaddib markii doorasho looga adkaaday.

Ninkan oo horay uga tirsanaa xildhibaannada Dowladda Hoose ee Nebbi, Patrick Okumu ayaa burburiyay ceelal uu degaankaasi ka qoday si ay uga wabxaan dadka degaanku.

Okumu ayaa dadka degaanka ku eedeeyay ”abaal la’aan” kaddib markii ay codadkooda siin waayeen.

“Dadkeennu abaal ma laha. Waxaan ka rabey oo dhami cod bay ahaayeen. Carruur badan baan wax u bari lahaa, balse waxay ii sheegeen inaanan waxba u qaban,” ayuu yiri.

Burburinta ceelasha ayaa bilaabatay Isniintii ilaa Arbacadiina socotey, in yar uun kaddib markii ay soo baxday natiijadii cod bixinta.

Ninkan oo la hadlay New Vision, ayaa sheegay in aanu ka shallaayaynin falka gurracan ee uu ku dhaqaaqay, isagoo ku dooday in uu lacagta ”jeebkiisa” ka bixiyay, waloow ay dadka degaanku fahamsan yihiin inuu ku takri falay fuluuskii umadda.

Okumu ayaa sheegay inuu ka tala jiro inuu mar uun dib u dhayo dhaawacyada uu dhigay oo dib u dhiso ceelasha uu dumiyay.

“Waan ka xumahay wixii ay igu sameeyeen waanse la heshiin doonaa, yeelkeede, hadda meelo kale biyo haka raadsadaan, waayo lacagtayda ayaan kuwan ku dhisay.” ayuu ku dooday Okumu.

Hadalsame Media