Mauro Icardi oo qaaday tillaabo u dhowaynaysa Juventus kana dhaqaajinaysa Inter! (Waa maxay?)

0

(Milano) 04 Maarso 2019 – Qannaaska Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa like saaray qoraal uu Joao Cancelo soo dhigay barta Instagram si uu ugu dabaal dego guushii Juventus ay xalay 2-1 kaga badisay Napoli.

Cancelo ayaa laftiisu dhowaan riyaaqay qoraal ifin ah oo uu Icardi soo dhigay oo halku dheggiisu ahaa ‘xorriyad’, haatanna laacibka reer Argentine ayaa abaalkii celiyay sida muuqata.

“Kaligaa wax badan baad qaban karaa, balse wadar wax kasta ayaa lagu qaban karaa. Guul wayn, hambalyo dhamaan,” ayuu dadabkan midig kasoo qorey guushii Juve.

Labada laacib ayaa Nerazzurri u wada dheelayay sanadkii tegey, balse sida lagu qoray webka kooxdaa taageera ee FC Inter News tillaabadani waa mid ‘talo xumo ah’, gaar ahaan xilliga ay kusoo beegantay oo ah jeer ay qoorta iskugu jiraan laacibka iyo kooxdiisu.

Waxaa maalmihii dambe soo baxayay warar sheegaya inuu laacibku u jeedo jihada Juventus oo ku bedelan karta Paulo Dybala oo u waydaaran kara dhanka Inter.

 

View this post on Instagram

 

‘Alone you can do a lot, but together you can do everything.’ ? Great victory. Congrats to all?? #mommyblessme

A post shared by João Cancelo (@jpcancelo) on

Hadalsame Media