ITOOBIYA: Kenya oo Somalia uga hormartay hal meel oo MUHIM ah (Heshiis dhacay)

0

(Addis Abeba) 03 Maarso 2019 – Dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis ay ku yagleelayaan suuq xor ah isla markaana ay ku kobcinayaan kaabayaashooda dhaqaalaha.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay furantay madal ganacsi oo laba maalmood socon doonta taasoo ay kasoo xaadireen in ka badan 500 oo ganacsade, maalgashadayaal iyo shirkado ka kala socda labada dal.

Ujeedka madashani waa sidii loo xoojin lahaa xiriirrada ganacsi iyo dhaqaale ee labada dal iminka ka dhex jira, iyadoo uu RW Abiy Ahmed sheegay inuu dalkiisu qaaday tillaabooyin uu ku adkeeynayo badeecooyinka uu dhoofiyo iyo horumarinta tamarta iyo kaabayaasha.

“Waxaannu qorshaynayaa in aannu gobolka Mooyaale [gobol xadka ku yaalla] u bedelno hannaan dhaqaale oo la isla maamulo oo ka dhexeeya Bariga Afrika,” ayuu yiri Cabbeey Axmed.

Dowladda Kenya ayaa durba bilowday deked wayn oo ay ka dhiseeyso magaalo xeebeedka Lamu, taasoo isku xireeysa  Kenya, South Sudan iyo Ethiopia taasoo asaasi u noqonaysa horumar dhaqaale oo dhaca, sida uu qabo Axmed.

Madaxwaynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in abuurista suuq xor oo laga sameeyo Mooyaale (Moyale-free trade zone) ay ka faa’iidaysan doonaan labada dal.

Arrintan ayay Kenya kala hormaraysaa Somalia oo istaraatiji ahaan dhanka Itoobiya uga qaabsan dhanka dekedaha, balse nasiib xumo ay dhibaato siyaasadeed ka haysato inay sida hal dal u shaqeeyso.

Hadalsame Media