ISBARBARDHIG: Isu eeg CUDUDDA ciidan ee labada dal ee Hindiya & Pakistan

0

(Hadalsame) 27 Feb 2019 – Sanaddii 1947-kii, gumaysigii British-ka ahaa ayaa khad kala qaybiya dhex dhigay Hinduuga qaar u ekaha Hindiya iyo Muslimiintii halkaa ku noolayd oo kala noqotay Pakistan iyo Bangladesh.

Waxaa xigtey waqcad noqotay mid ka mid ah – hijrooyinkii ugu waxyeellada badnaa sooyaalka insaanka, kana garo oo maanta oo xilligaa laga joogo 70 sano weli birta ayay isu afaysanayaan.

Maanta waxay sii haystaan nukliyeer, waxaana maalmihii yaraa ee dhowaa dib u curatay xiisad markasta xarbi furan isu rogi karta oo ka askuntay qarax is miidaamin ahaa oo lala beegsaday ciidamada Hindiya, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 askari.

Xiisadda labada dal ee Hindiya iyo Pakistan ayaa aalaaba waxaa gundhig u ah gobolka ay Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir, kaasoo 1947-kii 3 qaybood laga dhigay oo laba dhinac la siiyay labada dal, balse midkoodba uu sheeganayo gobolka oo idil.

FOOL KA FOOL

Bal aan eegno cududda ciidan ee labadan cududood oo ka mid ah dalalka miisaaniyadda ugu badan ku bixiya dhanka gaashaandhigga.

Sannadkii 2018-kii, Hindiya waxay ciidamadeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 1,400,000(Hal malyan iyo afar boqol oo kun) u qoondeysay lacag dhan afar tirilyan oo rupee, oo u dhiganta $58 bilyan oo doolar, sida ay faafisay BBC.

Dhaqaalahaas ayaa ah boqolkiiba 2.1 ka mid ah dakhliga guud ee soo gala dowladda, sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah ee Istiraatiijiyadda oo magaceeda loo soo gaabiyo (IISS).

Sannadkii lasoo dhaafay, Pakistan waxay ciidankeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 653,800(lix boqol konton iyo saddex kun iyo siddeed boqol) ku kharash gareysay lacag dhan 1.26 tirilyan oo rupiga Pakistan ah una dhiganta $ 11 bilyan oo doolar.

DHANKA CIIDAMADA

Hindiya waxay leedahay 4,207,250 askari, halka Pakistan ay ku hubaysan tahay 919,000 oo askari.

CUDUDDA CIREED

Hindiya waxay leedahay 2,185 oo dayuuradood oo kuwa dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwa xamuulka ah ama saanadda qaada, halkan Pakistan ay leedahay 1,281 dayuuradood.

TAAGTA TAWAANGIDA DAGAALKA

Hindiya waxay leedahay 4,426 oo ah gawaarida gaashaaman oo rigli ah, halka Pakistan ay leedahay 2,182 oo tawaangi.

CIIDAMADA BADDA

Hindiya waxay leedahay 295 oo markab, halka ay Pakistan leedahay 197 markab, waxayna maraakiibtaasi iskugu jiraan noocyo kala duwan, iyadoo ay Hindiya leedahay ugu yaraan hal markab oo ah kuwa dayuuradaha xambaara.

MADAXYADA NUKLIYEERKA

Hindiya waxay haysataa 110, halka Pakistan dhankeeda lagu qiyaaso ilaa 130 madax oo nukliyeer ah.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media