Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo warbixin wax ifinaysa kasoo saartay Somalia (Dakhliga gudaha oo kordhiyay balse…)

0

(Washington, DC) 27 Feb 2019 – Warbixinta barnaamijka SMP ee ah hannaanka la socodka maaliyadda oo ka dhaxeeya IMF iyo Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dakhliga canshuuraha gudaha ee soomaaliya uu kordhay 31% iminka marka loo eego sanadkii 2017.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in canshuuraha gudaha ay iminka gareen 161 malyuun oo doolar.

Warbixinta ka sukoow wasiirka maaliyada ee soomaaliya ayaa shirkii Jaraa’id ee ugu danbeeyay ku sheegay in canshuurta Muqdisho ka soo xaroota ay bishii celcelis ahaan gaareyso 14 malyuun oo doolar .

Lacagtaan Muqdisho oo qura laga qabto ayaa sanadkii noqoneysa 168 malyuun.

Hadaba maxaa hortaagan in canshuuraha la baahiyo oo gobollada dalka oo dhan qaadisteeda la gaarsiiyo? Maxaase diiddan in Gobolka Banaadir ee laga qaado uu ku yeesho xuquuq cad oo ka badan midda yar ee iminka laga siiyo? Maxaase diiddan in Baarlamaanka iyo shacabku ogaadaan dakhliga dalka soo galay iyo sidii loo maareeyay 2017-2018?

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media