DEG DEG: Ciidamada Cirka Pakistan oo soo bandhigay duuliye dhaawacan oo wadey mid ka mid dayuuradihii ay soo rideen + Sawirro (Daawo)

0

(Kashmiir) 27 Feb 2019 – Ciidamada Cirka Pakistan ayaa soo bandhigay mid ka mid ah duuliyayaashii laba dayuuradood oo ay Hindiya leedahay oo ay sheegeen inay soo rideen.

Ciidamada Cirka Pakistan ee Pakistan Air Force (PAF) ayaa sheegtay inay soo rideen laba dayuuradood oo ah nooca Ruush sameega ah ee Mig 21, kuwaas oo ay sheegeen inay hawadooda soo galeen.

Hindiya ayaa shalay ku faantay inay duqaymo ka gaysatey degaanno ku yaalla gudaha dalka Pakistan kuwaasoo ay ciidamada PAF shalay ku gooddiyeen inay ka jawaabi doonaan.

Arrintan ayaa faraha ka bixinaysa xiisadda kasoo cusboonaatay labadan dal ee nukliyeerka ku hubaysan oo markale is qardoofay kaddib markii qarax lala eegtay ciidamada Hindiya ee Kashmiir ku sugan ay sheegatay kooxda Jaish-e-Muhamed oo ah jabhad saldhigata gudaha Pakistan.

Hadalsame Media