WAR CUSUB: Ciidamada Maraykanka oo Suuriya ka rartay 50 tan oo DAHAB ay bililiqaysteen ah + Sawirro

0

(Kobani) 26 Feb 2019 – Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inay ilaa 50 tan oo dahab ah oo bililiqo ah ka qaateen dhulalka ay Daacish ka xoreeyeen kaddibna ay dalkooda u direen, sida ay warar badani sheegayaan.

Sida ay sheegayaan ilo la hadlay wakaaladda wararka Kurdish Bas News Agency, ciidamada Maraykanka ayaa soo gelbiyey ilaa 50 tan oo dahab ah oo ay kasii dheceen kooxda Daacish ee ku sugnayd gobolka Bariga Suuriya dhaca ee Deir el-Zour, iyagoo weliba qayb kale oo dahabkan ka tirsan siiyay koox la yiraahdo YPG oo Suuriya ka dagaallanta, balse hoos tagta jabhadda Kurdish-ka ah ee PKK.

Dahabkan fara badan oo 40 tan oo ka mid ah ay kooxda Daacish markii hore kasoo dheceen Mosul oo Ciraaq ah ayay ciidamada Maraykanku ku ururiyeen saldhig ay ku leeyihiin Kobani ama Cayn al Carab ee u dhow xuduudda Turkiga, si looga qaado.

Ilo la hadlay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa loo sheegay in dahabkan faraha badan oo ku jira sanduuqyo waawayn ay ciidamada Maraykanku xogtiisa ka heleen maxaabiis ay ka qabteen kooxdaasi.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii ay kooxo xuquuqul insaanka ah oo UK saldhigoodu yahay ay sheegeen in ciidamada Maraykanku ay daba socdaan 40 tan oo dahab ah oo ay Daacish uga carartay gobolka Deir el-Zour.

Ciidamada Maraykanka ayaa horay dahab ku fadhiya Tarilyan doollar uga bililiqaystay dalka Ciraaq markii ay soo gelayeen sanadkii 2003-dii, iyadoo la sheegay inuu dababka Ciraaq laga dhacay uu ku kacayo 20 tarilyan oo doollar, halka saliiddu ay gaarayso 30 tarilyan oo doollar.

Askari ka tirsan ciidamada Maraykanka oo isku sawiray dahab fara badan oo ay Ciraaq leedahay, magaalada Baqdaad.

Hadalsame Media