SS LAZIO VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Roma) 26 Feb 2019 – Waxaa caawa dhacaysa ciyaar xiise badan oo ka tirsan lugta 1-aad ee nus-dhamaadka Koobka Talyaaniga, kaasoo Olympico ku dhexmaraya kooxaha SS Lazio iyo AC Milan.

Dhanka Lazio: Kooxda Inzaghi waxay xaalad yari ka haysataa dhanka daafaca, waxaana ka ganaaxan Radu halka uu ka dhaawacan yahay Wallace waloow uu rajaynayo inuu midkood usoo kabto Bastos ama Luiz Felipe. Sidaa darteed raacaha dhexe ee Lucas Leiva ayaa loo dhaadhicin karaa dhanka daafaca 3-leeyda ah. Weerarku waa Correa-Immobile.

Dhanka Milan: Kaddib guushii Empoli, Gattuso wuxuu markale diiradda saarayaa qannaaska la qaban la’yahay ee Piatek. Dhanka garabka midig waxaa boos isku haysta Suso oo ganaax ku seegay horyaalka iyo Castillejo, halka dhanka bidix ay u badan tahay Borini oo la nasinayo Calhanoglu. Daafaca dadabka bidix waxaa boos isku haysta Laxalt iyo Rodriguez, balse dhanka midig waxaa kusoo noqonaya Calabria, waloow uu hardanku adag yahay oo uu Conti wacdaro dhigay kulankii Empoli.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 24 PROTO, 23 GUERRIERI, 15 BASTOS, 3 LUIZ FELIPE, 14 DURMISI, 92 CATALDI, 4 PATRIC, 20 CAICEDO, 10 LUIS ALBERTO, 30 NETO, 66 JORDAO
  • 90 A. DONNARUMMA, 25 REINA, 20 ABATE, 12 CONTI, 23 STRINIC, 16 BERTOLACCI, 10 CALHANOGLU, 7 CASTILLEJO, 68 RODRIGUEZ, 4 JOSE’ MAURI, 21 BIGLIA, 63 CUTRONE

GANAAXAN

  • Radu

AAN LA HELI KARIN

  • Lukaku, Wallace, Berisha
  • Caldara, Bonaventura, Zapata

Hadalsame Media