”Shiinuhu wuxuu Islaamka ula dhaqmayaa sidii ”Cudur Maskaxeed!” – Wall St Journal

0
A woman stands behind a pillar during the Eid al-Adha festival at Niujie mosque in Beijing, China September 12, 2016. REUTERS/Jason Lee - D1BEUAVHGQAA

(Beijing) 25 Feb 2019 – Dalka Shiinaha waxaa iminka xabsiyada lagu hayaa ilaa 1 milyan oo Muslimiin ah oo lagu xirey kaamam la mid ah kuwii uu Hitler Yuhuudda gelin jirey, sida ay qiyaasayaan hay’adda QM iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan DF Maraykanka.

Dad lasii daayay — oo badankoodu u dhashay qoowmiyadda Uighurs, oo ah dad inta badan Muslim ah — ayaa warfidiyeenka u sheegay in dhowr bilood lagu wadey barnaamijyo maskax dhiqitaan ah.

Waxyaabaha lagu khasbayay waxaa ka mid ah inay Islaannimada ka baxaan, ay dhaleeceeyaan diinta Islaamka iyo dadka la xiran ee rumaysan iyo inay akhriyaan ama ay saacado badan maalin kasta qaadaan heesaha dacaayadda ah ee xisbiga Shuuciga ah ee dalkaa ka arrimiya.

Waxaa sidoo kale lasoo sheegay in Muslimiinta lagu khasbo inay doofaarka cunaan ama aalkolada cabaan, kuwaasoo ah waxyaabo mamnuuc ka ah Muslimiinta, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa jirdil iyo xitaa dilal.

Sida uu faafiyay The Wall Street Journal waxaa la bartilmaameedsanayaa gobolka woqooyi galbeed ee Xinjiang halkaasoo ay Beijing markii hore ku andacoonaysay inay la tacaalayso kooxaha xag-jirka ah, balse markii dambe sheekadu waxay isu bedeshey ”yaa Muslin ah.”

“Rumaysnaanta diimeed waxaa Shiinaha looga arkaa cudur maskaxeed” ayuu yiri James Millward, oo ah professor taariikhda Shiinaha ka dhiga Jaamacadda Georgetown University.

“Sidaa darteed, xerooyinkan la gaynayaa waxay Beijing uga dhigan yihiin sidii ‘isbitaallo’ lagu dilo jeermiska xag-jirnimada.” ayuu daba dhigay.

Hoggaamiyayaasha dalalka Muslimiinta ayaan arrintan waxba ka qabanin, marka laga reebo Erdogan oo woxoogaa war ah oo af kala bax ah sheegay, halka MBS oo maalin dhowayd Beijing booqday uu taageeray falalkan gurracan ee lagula kacayo Muslimiinta.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media