Ganaaxa dhanka suuqa ee Chelsea oo wax ka bedelaya arrinta Bakayoko (Maxaa dhacaya?)

0

(Milano) 24 Feb 2019 – Tan iyo markii uu soo if baxay ganaaxii dhanka suuqa kala iibsaday laga saaray kooxda Chelsea, taasoo ay FIFA laba sanad ciyaareed ka mamnuucday inay soo adeegato, kaddib markii lagu helay inay ku tacadisey xeerarka iibsiga da’yarta, waxaa soo baxay arrimo badan.

Maadaama aanu naadigan Ingiriiska ihi suuqa geli karin kahor fasalka 2020, haddii aanu wax bedelin rafcaan ay qaadan karaan, waxaan dhici doonin inay laacibiin soo iibsadaan, waxayna arrintaasi saamaynaysaa laacibka Tiemoue Bakayoko.

AC Milan oo soo noolaysay bandhiggii Bakayoko ayaa dookh sharci ah u haysata inay wada iibsato dhamaadka xagaagan, balse, Rossoneri oo Blues oo ay xiriir wanaagsan la leedahay horay u siisay 5 milyan oo amaah sharafeed ah, waxaa looga fadhiyaa bixinta 35 milyan oo kale, si uu laacibku rigli ugu dego gegada San Siro.

Yeelkeede, maadaama aysan Chelsea waxba soo iibsan karin, waloow ay laacibiin ka tegi karaan, misna waxaa meesha ka baxeeysa gorgortan ay Milan ku doonaysay in qiimaha laacibkan laga farageliyo.

Maalmo yar kahor, wakiilka laacibka Federico Pastorello ayaa sheegay in Chelsea ayba jeclaan lahayd oo ay quud darraynayso in Milan aysan laacibka wada qaadanin.

Hadalsame Media