DAAWO: Iiraan oo sheegatay inay la wareegtay 7 daroon oo uu Maraykanku leeyahay! (Caddaymo)

0

(Tehraan) 22 Feb 2019 – Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan ayaa sheegtay in dalkiisu uu ku guulaystey inay la wareegaan koontoroolka dhowr daroon oo ay ay leeyihiin ciidamada Maraykanku, isagoo intaa raaciyay inay taa ku cadaynayaan sawirro ay ku qaadeen kaamirooyinka daroonnadan.

“Todoba ka mid ah siddeed dayuuradaha is wada ah oo si joogto ah u dul haadayay Ciraaq iyo Suuriya ayaa gacanteenna soo galay, xogaha ay sidaanna annagaa eegayna,” ayuu Sarreeye Guuto Amir Ali Hajizadeh ku yiri Wakaalad Wareedka Iiraan ee FARS.

Jeneraalkan ayaa u taliya Ciidamada Cirka ee dalka Iiraan, oo ah xubin muhim u ah cududda dalkaasi.

Wakaaladda ayaa sii daysay muuqaal, ay ugu yeerayso “mid ka mid ah caddaymaha ay ku taageerayaan tiraabta Jeneraal Hajizadeh.”

Hadalsame Media