BAARAANDEG: Somalia & Kenya ma DOOD baa ka dhex taagan mise DAMAC?

0

(Hadalsame) 21 Feb 2019 – Waxaa taagan muran ay Kenya iskeed u bilowday oo khuseeynaya dhul badeed ay Somalia leedahay, kaasoo oodda ka qaadmay kaddib markii ay rag Somalia ka mas’uul ihi ay Kenya u saxiixeen in meeshaa lagu ”muransan yahay.”

Yeelkeede, ujeedka qoraalkani ma aha in moowduucan lagu lafaguro taariikhda sheekadan, balse waxaan doonaynaa inaan in yar ka bayaanino u magac bixinta kiiskan, kaddib markii ay soo baxday inaan hal qorshe oo midaysan laga lahayn.

Marka wax laga eego dhanka Somalia waxaa dhulkaa iska leh Somalia, waxaana u daliil ah inuusan jiri jirin muran soo taxnaa 2009 kahor oo ay Kenya u aragto inay ka faa’iidaysan karto xaaladda xasaasiga ah ee ay haatan Somalia mareeyso iyo inay Somalia sidoo kale xad badeed la leedahay Jabuuti iyo Yaman balse aanu jirin muran midkan la mid ah oo ka dhex oogan.

Sidaa darteed, waxaa muhim ah in murankaa ay Kenya hindistey ee ay danteeda ka dhex aragtay aad looga taxaddaro magac bixintiisa, oo aan la iska tarjumin Ingiriiska ku qoran bogagga saxaafadda Kenya iyo dalalka kale, balse arrinta loo yeelo weji aragtiyeed Soomaaliyeed (Somali prespective).

Waxaa markaa habboon inay saxaafadda Soomaalidu adeegsato erayga ah ”Dhul badeedka ay Kenya soo damaacisay” ee aan la oran ”Dhul badeedka lagu muransan yahay,” si aan loo caawinin qadiyadda Kenya ee ku qotonta ”Ku qabso ku qadi mayside.”

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media