Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti + Sawirro

0

(Jabuuti) 19 Feb 2019 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo uu muddo labo maalmood ku joogay dalka Burundi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta aanu ka soo ambabixin magaalada Bujumbura waxa uu wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo lagu adkeynayo xiriirka labada dal, hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo dhaqangelinta Qorshaha Kala-guurka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa Mudane Madaxweyne soo dhaweyntii iyo martisoorkii aad noo fidiseen aniga iyo wafdigayga. Waxaan rajaynayaa in booqashadan taariikhiga ah ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan amni ee labadeenna dal. Naf-hurnimada ay noo sameeyeen Ciidamada Burundi ma aha mid aan illaawi doonno, abaal ayaanuna idinkaga haynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Jabuuti ayaa berri kulan la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

Hadalsame Media