Odayaal reer Gaarisa ah oo sameeyay arrin ay ka xumaadeen shacabka Soomaaliyeed

0

(Gaarisa) 09 Feb 2019 – Jeer uu maamulka Jubbaland isu diyaarinayo doorashada maxalliga oo lagu wado bisha Agoosto, ayay duqeeyda ismaamulka Gaarisa Garissa County waxay ku baaqeen in dib loo doorto Axmed Madoobe.

Odayadan oo sheegtay inay qabiil gaar ah yihiin ayaa shir ay ku qabsadeen hoteel ku yaalla Gaarisa ka sheegay inay taageerayaan in dib loo doorto Madoobe oo ay sheegeen inuu wax ka qabtay wax ay ku sheegeen amaanka xuduudda labada gobol, iyagoo aan wax dal ah soo hadal qaadin.

Odayadan oo ay hoggaaminayeen rag ay ka mid yihiin Osman Ibrahim Abdi, Dekow Muhumed Duale iyo Ahmed Duale Koriyow ayaan u muuqanin dad faragelin ku haya arrimaha gudaha Somalia, maadaama ay iyagu ogol yihiin inay Kenya maamusho.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay sida aysan ula dhacsanayn baaqa odayaashaan oo ay ku tilmaameen mid gef ku ah Somalia, iyo mid dhiirrigelinaya qabyaalad iyo siyaasado aan aragti fog ku dhisnayn oo la degey Soomaalida.

”Marka ay Gaarisa kusoo biirto Somalia unbaad ka hadli kartaan arrimaha Somalia” ayuu soo qoray mid ka mid ah dadka adeegsada baraha bulshada.

”Jubbaland kama tirsana Kenya” ayuu ku jawaabey mid kale oo farriinta dhigay halkii warkan lagu qoray.

Soomaalida ayaa marar badan ku dhaqaaqda siyaasado u kaalmaynaya dalalka deriska ah, isla markaana wiiqaya danaha qaranka Soomaaliyeed, kuwaasoo iskaga dhisan QIIROOYIN SAHLAN oo aan cidna waxba u taraynin.

Hadalsame Media