Khadiijadii u doonnayd Khashuuqjigii la khaarajiyay oo caadaystay arrin ay dunida u khushuucday!!

0

(Hadalsame) 09 Feb 2019 – Muddadii ka dambeysay Geeridii Jamal Khaashoqji, waxa aan ku xidhnaa Bogga Twitterka ee Khadiija Jankiisa (Gabadhii u doonanayd Jamal), ujeedkayguna waxa uu inaan la socdo xogta ay barteedaas ku baahinayso, boggaas oo geeridii Jacaylkeeda awgeed dad badani ku xidhmeen.

Bilowgii, Waa ay igu yarayd aaminaad ah in Khadiiji in badan hadal-hayn doonto Marxuumka, waxa se aan arkay wax ka duwan taas, oo aan jeclaan lahaa inay dumar badanina kaga daydaan.

Post ay soo dhigto oo ducada, xuska iyo jacaylka ay Jamaal u qabtaa ka muuqan ma leh, ogoobeey waxaba ay qortay Buug ku saabsan Jamaal iyo wax badan oo ay ka ogtahay Marxuumka, kaas oo durtaba maraya luuqadii labaad ee lagu turjumo.

Intaas kadib, waxaan jeclahay inaan idila wadaago qoraalo ka mid ah Post-iyada Khadiija ee dareenka badan xanbaarsan, qormooyinkaas oo inta badan aniga Ilmo indhahayga ka keena, sidoo kalena dareenkayga godla oo jacayl dadimo ku beera.

“Jamaal lama dilin, mana rumaysanayo in la dilay.”

“Jacaylkayaga iyo Riyooyinka nolosha ee aanu naawilayney ayaa ka keenay Washington kuna soo aadiyey Istanbul.
Rajadu waxay ahayd inaanu nolosha inta noo hadhay wadda qaadano, waana ta kaliftay inuu 2-dii October tago Safaarada dalkiisa. Maalmihii 10-ka ahaa ee la soo dhaafay waxay ii ahaayeen sidii 10-sano oo kale, si walba oo Rajadaydu u hoosaysona, waxa aan sugaya soo noqoshadiisa,”

“Kuwa I waydiinaya xaalkaygow; waxa aan ahay oo kale qof ku nool Geeri iyo nolol dhexdood, Cir iyo dhul dhexdood, Jannada iyo Naarta dhexdood. Waxa aan hurdada ka soo kacaa aniga oo Rajo qaba, dhamaan rajooyinkaasna waan waaya kolka qoraxdu ay dhacdo. Waxa aan dhintaa kun jeer, Allow I sabir-sii.”

“Jidhkaagi ayey aduunka ka qariyeen, balse qosolkaagii qurxoona waligii ruuxdayda ayuu la joogi doona gacaliye.”

“100-maalmood ayaa ka soo wareegey kolkaad Aduunkayga ka huleeshay.
100-maalmood oo mid walbaaba igu dhaafaysey kadeed, 100-maalmood oo aan rajaynayo soo noqoshadaada.
Alle waxa aan ka baryayaa inuu naf-walbaaba waxay dhigtay ka abaaliyo.”

“Ereyo uma hayo aan ku cabiro dareenkayga, markii aan maqlay kolkii lagu dilay in jidhkaagana la googooyey Jamaalow, waxay iga fogeeyeen inaan Maydkaaga ku tukado, oo aanu kugu aasno magaaladaad jeclayd ee Madiina, sidaad adiguba dardaarantay.”

”Waan jeclaa ninkaa wanaagsan, kalgacalka badan, qiimaha leh ee deeqsigana ah, waxa uu qorayey kaliya wixii uu u arko inay sax yihiin, mase ma qorayn wixii ay rabeen kuwa awooda sheeganaya.”

“Dhalashadiisa 60-aad awgeed, 13-October waxa aan diyaarinayey kedis aan isaga ugu talogalay, waxana aan isugu yeedhi lahaa dhamaan Asxaabtayda hudheelka The Bosporus balse…!”

“Haddii uu isagu iga maqan yahay, ruuxdiisa ila joogta.”

Alle haw naxariisto Jamaal Khaashoqji, Khadiija Jankiisna ha samirsiiyo. Aamiin.

W/Q: Cabdiraxmaan Xuseen

Hadalsame Media