Imaaraadka oo si anshaxa diblomaasiyadda ka arradan ula dhaqmaya Somalia (Warqad canaan ah oo uu u diray Puntland!)

0

(Abu Dhabi) 09 Feb 2019 – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay luuqadda ugu adag ku cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee dekada Boosaso ee Maamul-gobaleedka Puntland.

Qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P & O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, taasoo ay u gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta.

Imaaraadka ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan baaritaannada soconanaya iyagoo maamulka Puntland ee Somalia ugu baaqay in ay bixiyaan ilaalada loo baahan yahay amaankana sugaan, si bay yiraahdeen loo dhowro amaanka shaqaalaha iyo maalgashiga dekedda, si ay uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed.

Imaaraadka ayaa sheegay in ay ka horjeedaan nooc kasta oo gacan ka hadal iyo xag-jirnimo ah, iyagoo beesha caalamka ugu baaqay in sida ay yiraahdeen meel looga soo wada jeesto halista xaf-jirnimada dalalka oo dhan.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Imaaraadku si furan ugu faragelinayaan arrimaha gudaha Somalia maadaama uu si gaar ah ula dhaqmayo maamul maxalli ah, isagoo aan marin hilinnada diblomaasiyadeed ee caadiga ah, jeer uu horay u jirey muran ka dhashay heshiiska uu dekeddaa kula wareegay oo ay isku khilaafeen DF Somalia.

Hadalsame Media