XOG: Arrin ceeb ku ah hufnaanta DF Somalia oo ka socota dekedda Muqdisho!

0

(Muqdisho) 09 Feb 2019 – Markab la sheegay inuu sid sonkor gaaraysa 40,000 oo tan oo laga soo celiyay dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii tegey ee 2018, ayaa iminka kusoo xirtay dekedda Muqdisho.

Markabkan ayaa la sheegay inuu durba bilaabay dejinta sonkortii ay Kenya iska soo celisey ee weliba lagu amray in lagu celiyo waddanka Brazil oo sonkortan asal ahaan laga soo waaridey.

Waaxda Taya Dhowrka Badeecooyinka Kenya (Kenya Bureau of Standards (Kebs) ayaa deeto markabka sida ee MV Iron Lady ku amartay inuu ka goostay dekedda Mombasa ee Kenya, iyadoo weliba lagula taliyay in sonkortaasi dib loogu celiyo dalka laga soo dhoofiyay ee Brazil.

Yeelkeede, xiriir dhexmaray ganacsatada iska leh sokortan iyo siyaasiyiin sida la sheegay ku sugan Muqdisho ayaa fududeeyey in sokortaa hallaysani kusoo xirato dekedda Muqdisho.

Sonkortaa halista ah ayaa lagu warramayaa in durba uu dejiskeedu ka bilaabmay magaalada Muqdisho, waxaana ba dhici karta inay horraanba gashay suuqyada Muqdisho.

Waaxda Taya-Dhowrka Somalia ayaa horay loo sameeyay, waloow aan la isku hallayn karin qiyam ahaan iyo farsamo ahaanba hab-howleedka ay ku shaqayso.

Hadalsame Media, Muqdisho