DAAWO: Saint-Maximin oo muujiyay inuu Milan u socdo! (Muxuu sameeyay?)

0

(Nice) 06 Feb 2019 – Garab-weerarka kooxda Nice ee Allan Saint-Maximin oo ay Jannaayo cayrsanaysay ayaa shalay la sheegay inuu u iibsan yahay isla kooxda AC Milan ayaa dadka u qishay inay arrintaa wax ka jiri karaan.

Sport Mediaset ayaa shalay faafiyay war sheegaya in uu laacibkani €20m iyo bareemiyo ku imanayo kooxda Rossoneri wixii xagaaga soo aaddan loo gaaro.

Yeelkeede, Saint-Maximin oo 21-jir ah ayaa dadka kusoo jeediyay arrintiisa isagoo Instagram kusoo qoray: “Waa uun arrin waqti.”

Waxaa deeto warkiisa kasoo jawaabey taageerayaal badan oo Milan ah oo laacibka ku dhiirri geliyay inuu safkooda kusoo biiro.

 

View this post on Instagram

 

Ce n’est qu’une question de temps ✔️?

A post shared by Allan SAINT-MAXIMIN (@st_maximin) on

Hadalsame Media