CIQAABTII CAADADA: Gabar dhimatay kaddib markii lagu karaantiimay mudul lagu xabiso haweenka caadada qaba

0

(Nepal) 05 Feb 2019 – Haweenay 21 sanno jir ahayd oo u dhalatay dalka Neebool (Nepal) ayaa geeriyootay kadib markii lagu qasbay inay joogto oo ku noolaato Waab yar ama Teedhada Caadaada (“menstruation hut) halkaasi oo ah meel loogu talagay in haweenka caadada qaba lagu karaantimo inta lagu jiro xiliga caadada.

Parbati Bogati ayaa dhimatay kadib markii ay shidatay dab yar si ay isugu kululeyso sida ay sheegeen ciidamada Booliska dalkaasi.

“Waxay u muuqataa in neeftu ku xirantay kadib markii ay shidatay dab….Waxaan sugeynaa warbixinta dhaqtarka kadibna dadka ayaan la wadaagi doonaa xogta,”yuu yiri sarkaal u hadlay Booliska oo lagu magacaabo Lala Bahadur Dhami.

Booliska ayaa sheegay in haweeneyda geeriyootay ay qorsheynaysay inay habeenkii ku hoyato gurri banaanka ku yaala oo cidla ah kadib markii ay aragtay in goobta ama teendha Caadada ay tahay mid buux dhaaftay oo ay dumar kale ku jireen.

Dalka Nepal ayaa laga aamisan yahay in haweenka markii dhiig ku dhaco, xiliga ay caadada ku jiraan lagu go’doomiyo meelo cayiman oo iyaga u gaar ah. Waxaa mamnuuc ah in jirkooda meel laga taabto xiliyada haweenku ay qabaan Dhiiga caadada iyo waliba xiliyada ay umulaan.

Inkastoo dowladda dalkaasi Nepal ay soo saartay sharci lagu mamnuucayo dhaqankaan qalafsan ayaa haddana wali ay jiraan dad aamisan in sidaas la sameeyo, gaar ahaan waxaa dhaqankaasi ku dambeeyaa qalbeedka dalka Nepal..

Dhimashada haweeneydaan ayaa timid labo asbuuc kadib markii hooyo iyo labadeeda wiil ay ku dhinteen degmada Bajura kadib markii ay ku neeftu ku dhegtay iyagoo xiligaas weynaynayay caado dhaqameedkan.

Dowaladda ayaa amartay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo lagu arko iyadoo sameynaysay dhaqankaasi waxaana dadka looga digay ku sii socoshada dariiqaas oo loo arko mid halis ah ku ah noloshada dumarka iyo gabdhaha yar yar ee dalkaasi.

Hadalsame Media