Garsoore caan ka ahaa EPL oo ay MIHNADDIISU dhulka gashay! (Hadda muxuu qabtaa?)

0

(Oslo) 30 Jan 2019 – Waayaha dhexdhexaadineed ee garsoore Bobby Madley ayaa runtii si aad u qoto dheer hoos ugu quustay, iyadoo uu 33-jirkani uu mar seeriga u sidi jirey kulamada EPL ee ay kumannaanku daawanayaan.

Haddii aad xusuusato, wuxuu ahaa ninkii qabanayey kulankii 2017 Community Shield ee Arsenal iyo Chelsea ee ka dhacay Wembley Stadium kaasoo ay soo xaadireen 83,325 oo taageere iyo kulamo kale oo waawayn.

Yeelkeede, Madley oo haatan u wareegey dalka Norway, ayaa iminka qabta kulamo ay daawanayaan 26 qof oo ka tirsan horyaalka heerka 6-aad ee Norway.

Madley ayaa la eryey 2018 kaddib markii uu farriimo meel ka dhac ah ku qoray baraha bulshada. “Bobby Madley hadda kaddib uma shaqaalaysna PGMOL,” ayay xilligaasi maamulka Premier League u sheegeen Sky Sports.

“Waa ka xumahay waxa haysta Norwegians-ka,” ayuu mid kusoo qoray Twitter.

Mid kale ayaa tweet gareeyay: “Uma ogolaadeen inuu dhex dhexaadiyo kala baxa aan Axadda dheelno xitaa!”

Mid 2-aad baa raaciyay: “Wuxuu ahaa garsoore xun, lama yaabbani tan.”


Hadalsame Media