AC MILAN VS SSC NAPOLI: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Milano) 29 Jan 2019 – Waxaa caawa markale ciyaaraya kooxaha AC Milan iyo SSC Napoli oo 2 maalmood uun ka hor isku fara saaray garoonka San Siro dhanka horyaalka kulan ku dhamaaday 0-0, balse markan waa rubuc-dhamaadka Koobka Talyaaniga.

Dhanka Milan: Gattuso ayaa lagu wadaa inuu wax ka bedelo safkii uu ku wajahey isla Napoli dhanka horyaalka: Weerarka waxaa waranka u sida wiilka cusub ee Piatek, waxaa garabkiisa midig taagan Castillejo. Conti ayaa kasoo kabtay dhaawac yar oo muruqa ah waana loo yeerey, balse dadabka midig ee daafaca waxaa uga cad cad Abate. Waxaa weli maqan Strinic, shaxdu inta kale waa sidii hore.

Dhanka Napoli: Waxaa jir ahaan daaley daafacyada Albiol iyo Hysaj, sidaa darteedna looma yeerin ciyaartan. Khadka dhexe waxaa furaha u haya Hamsik iyo Allan oo soo laabtay, Mertens ayaa isna kaydka kululayn doona, waxaana qayb ahaan ugu wacan shaxda oo loo bedeley midda soo jireenka ah ee 4-4-2.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 90 A. DONNARUMMA, 35 PLIZZARI, 2 CALABRIA, 12 CONTI, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 18 MONTOLIVO, 8 SUSO, 4 MAURI, 11 BORINI, 63 CUTRONE, 96 TSADJOUT
  • 25 OSPINA, 27 KARNEZIS, 6 MARIO RUI, 99 MILIK, 13 LUPERTO, 20 ZIELINSKI, 11 OUNAS, 42 DIAWARA, 18 GAETANO, 14 MERTENS

GANAAXAN

  • Verdi (2)

AAN LA HELI KARIN

  • Zapata, Caldara, Bonaventura, Biglia, Reina, Strinic
  • Chiriches, Albiol, Hysaj, Younes

Hadalsame Media