”IS CAFINTA siyaasiyiinta arrin ka horreeysa ayaa jirta!” – Xil. Fiqi

0

(Garoowe) 27 Jan 2019 – Xildhibaanka Axmed Macallin Fiqi oo sidoo kale ka tirsan ragga sida aadka ah u dhaliila xukuumadda iminka jirta ayaa fikirkiisa ka dhiibtey is cafintii xalay lagu baaqay.

Fiqi ayaa war uu soo dhigay bartiisa Facebook sidan ku bilaabay: ”Xaley munaasabaddii caleema-saarka waxey aheyd gogol si wanaagsan loo Soo agaasimay, dad waxgal ah la isugu keenay, dalka gudihiisa la dhigay weliba magaallo Soomaaliyeed oo nabad ah.”

”Intaas kaddibna, hadallo wanaagsan laga yiri oo wax isku Soo dhowaynaya kuwaasoo ay fure u ahayd kalimaddii qiimaha badnayd ee uu madasha ka jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed, mas’uuliyiintii ka danbaysayna aysan ka leexan khadkaas uu islaanku iftiimiyey.

Isagoo abbaaraya moowduuca is cafinta iyo sida uu u arko wuxuu yiri: ”Waxaa maalmahaan socday mashruuc uu waday Sheekh Kenyaawi oo la magac-baxey “CAFI WALAALKAA” , halkaan Garoowe-na wuxuu islaan Ciise uga dhawaaqay mashruuc kale oo la yiraahdo “XALEY DHALAY KA NOQO”.

Xil. Fiqi oo xukunkiisa ridaya wuxuu qabaa: ”Farqiga u dhexeeya labada Mashruuc, kan hore waa mid Caam ah oo bulshada oo dhan khuseeya balse kan danbe wuxuu la xiriiraa dad siyaasiyiin oo arrimo jira ama qaddiyado taabanaya siyaasadda dalka la isku haayo wuxuu u baahan yahay marka hore in la wadahadlo, kaddibna la heshiiyo, natiijaduna is cafin noqoto, taasoo dhasha iskaashi iyo wada-shaqeyn dalka u horseedda nabad iyo Horumar.”

Hadalsame Media