Jaamacadda USC oo bukaankii ugu horreeyay dunida ku dawaysay unugyada uur-ku-jirka + Sawirro

0

(California) 26 Jan 2019 – Keck Medical Center oo ka tirsan jaamacadda caanka ah ee USC ee koonfurta California, ayaa ku dhawaaqday koox dhakhaatiir ah oo reer California ihi ay ku guulaysteen inay unugyo uur ku jir ah, AST-OPC1, ay ku talaalaan xangullaha wiil 21-jir ah oo shil ku waxyeelloobey.

6-dii Maarso, Kristopher (Kris) Boesen oo deggan magaalada Bakersfield ayaa galay shil aad u xun kaddib markii jidka oo qoyani uu sababay inuu gaarigu la tarraaro isagoo gaari iyo bir telefoon kula dhacay, halkaasoo uu laf-dhabarta uga jabay.

Waalidkii Rodney iyo Annette Boesen ayaa loo sheegay inuu wiilkoodu si joogto ah cuuryaan uga noqonayo wixii qoorta ka hooseeya, waxay kaloo ogaadeen in haddii ay diyaar u yihiin uu wiilkoodu ka qayb qaadan karo daraasad tijaabo ah.

Dhakhaatiir kuwa qalliinka oo ka socda kuliyadda Keck Medicine ee jaamacadda USC oo kaashanaya mac-hadka Rancho Los Amigos National Rehabilitation Center, isla markaana uu hoggaaminayo Charles Liu, MD, PhD, iyo agaasimaha qaybta dawaynta maskaxda iyo dareen-wadka USC Neurorestoration Center, ayaa wiilkan ku duray kuuro 10 milyan ah oo ah unugyada AST-OPC1, kuwaasoo ay si toos ah ugu mudeen xangullihiisa horraantii bishii Abriil.

“Caadiyan, dhaawacyada xangulluhu waxay maraan qalliinno lagu dejinayo xaalkooda, balse guud ahaan, aad bay u yar tahay in shaqadoodii dhanka dareenka lasoo celiyo,” ayuu Dr Liu.

Yeelkeede, Dr Liu ayaa tibaaxay inay daraasaddan ku doonayeen inay qayb ahaan wax ka qabtaan soo celinta shaqadii dareen-wadka (motor and sensory nerves), taasoo ka dhigan inuu bukaanku gacmihiisa adeegsan karo.

 

Laba todobaad kaddib, Kris wuxuu bilaabay astaamo horumar, 3 bilood kaddib wuxuu awood u yeeshay inuu iskii cuntada u cuno, telefoonka dirsado, wax qoro, isticmaalo kursigiisa, qoyska iyo saaxiibadana uu hab siiyo, taasoo keentay inuu Kris markale dib u helo qaar ka mid ah madax banaanidiisii.

Dr Liu ayaa sheegay in Kris uu dib u helay laba heer oo ah shaqadii xangullaha ee muhimka ahaa, taasoo ka dhigan inuu gacmihiisa u adeegsan karo waxyaabo ay ka mid yihiin cadaysiga, adeegsiga kombiyuutarka iyo waxyaabo kale oo aan haddii kale awood u yeesheen.

Dhakhaatiirta ayaa weli ka taxadaraya daraasaddan iyagoo qiray in ay arrintu weli baaritaan iyo daraasad joogto, balse ay tani tahay tillaabo wax ku ool ah oo dhanka wanaagsan loo qaaday.

“Markii hore isku day iyo nasiibkaaga tijaabi unbay iga ahayd, balse iminka waxaaba jirta fursad aan dib cagahayga ugu socon karo, waana ku dadaalayaa wax kastoo dhici kara si aan taa u gaaro,” ayuu yiri Kris oo haatan ku rajo wayn inuu sidoo kale dib u helo qaar ka mid ah shaqadii qaarka dambe.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media