DAAWO: Wershad QASHINKA ka samaynaysa AGAB muhim ah oo Muqdisho laga furay!

0

(Muqdisho) 26 Jan 2019 – Waxaa Somalia guud ahaan, gaar ahaan magaalada ugu wayn oo ah Muqdisho dhib wayn ku haya qashin dhooban jidadka iyo meelo muhim ah, iyadoo ay dhibaato ka joogto maaraynta qashinka.

Halkan ka DAAWO…

Haddaba, ganacsato Soomaaliyeed ayaa fikirey waxayna keeneen wershad yar oo qalab dhismaha looga faa’iidaysto, sida marmarka, jilayga iyo nooc mutuneelka oo kale ah kasoo saaraysa qashinkaasi.

Marka laga soo tago dadka shaqada ka helay wershaddan, waxaa sidoo kale ku nacfiya dadka danyarta ah oo qashinka kasoo ururiya magaalada sida balaastiigga, kuwaasoo ay kasii iibsato wershaddu.

”Halkii kiilo oo haraadi balaastiig ah waxaa nalaka siistaa 3,000 oo ShSo ah.” ayay tiri haweenay ka mid ah kuwa qashinka kasoo gurbiya magaalada oo sheegtay inay madax kusoo qaaddo.