Dayuurad sidda ciidamada gaarka ah ee MW Farmaajo ilaaliya oo ka degey Garoowe

0

(Garoowe) 25 Jan 2019 – Waxaa magaalada Garoowe kusii qulqulaya wufuud kala duwan oo madax Soomaali ah u badan kuwaasoo halkaa u tegaya ka qaybgalka munaasabadda caleemo saarka ah ee madaxwaynaha cusub ee Puntland.

Waxaa dhowaantan Garoowe ka degey laba diyaaradood oo ay saaranyihiin ciidamada gaarka ah ee ilaaliya MW Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasoo Garoowe uga hormaray.

Waa booqashadii 2-aad ee uu Farmaajo ku tago magaalada Garoowe tan iyo markii uu noqday MW Somalia 2 sanadood kahor.

Hadalsame Media