Ninkii isku qarxiyey Dusit Hotel oo lala xiriiriyay weerarro kale (Warbixin dheer)

0

(Nairobi) 23 Jan 2019 – Ayadoo ay soo bexeen dhammaan caddaymaha dambilayaashii dambeeyay weerarradii 14 Riverside Drive, waxaa cad in maamulayaasha Kenya yaqaanneen Maahir Khaalid Risiqi, naftii halligihii.

Waxa ay hayeen sawirradiisa, magacyada iyo xiriirka qaraabadiisa iyo saaxiibbadiis haddana ma cadda sababta ay ugu guulaydarraysteen in ay joojiyaan in uu isku qarxiyo Dusit Hotel.

Muuqaal si wayn loo wareejiyay ayaa muujinaya naftii halliga oo taagan bannaanka beerta maqaayadda dhismaha Dusit wax yar ka hor inta uusan isqarxin oo uusan dilin naftiisa iyo raxan dad ah oo aan tiradooda la aqoon.

Dhagarqabayaashii naftii halligaha la socday ayaa dabadeed yimid ayaga oo bilaabay in ay si arxandarro ah dadka u laayaan taas oo ugu dambayn ay ciidanka qaaska ah soo afjareen maalinimadii arbacada kadib markii ay dileen dhammaan argagixisadii.

Dhammaan ciidanka ammaanka iyo kuwa sirdoonka waxa ay hayeen caddaymo bayaaminaya xagjirnimadiisa kadib weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa sannadkii 2015 kaas oo lagu gawracay 147 qofood.

Risiqi oo Reer Mombasa ah, 2014 ayuu waxa uu ka soo muuqday waraaqaha Boliiska ee dadka si wayn loo doondoonayo.

Maalmo yar ka hor inta uusan Risiqi wax ka fulim weerar Dusit Hotel ee martay 21 nafood uusanna isqarin, Boliiska la dagaallanka argagixisadu waxa ay galalafeen guriga Risiqi oo ku yaalla xaafadda Majengo, Mombasa 7 Janaayo ayago oo watau xaaskiisa Suhaila Mwalim Bakari si ay su’aalo u waydiiyaan.

Yeelkeede ninkeeda oo ah argagixiye caan ah oo xiriir la leh Axmad Imaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi oo labaduba ku jira liiska Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ee jihaaddoonayaasha xorriyad ayuu ku xarrogoonayay.

Ilo sirdoon ayaa Sunday Nation u sheegay in Maahit khaalid Risiqi uusan jirin dadka radaarka ciidamada ammaanku hayo sannadkii la soo dhaafay.

Khamiistii, Munha Nyale oo ah Agaasimaha Unigga Argagixiso la Dirirka ee Boliiska ayaa Axaddii Sunday Nation in liiska dhallinyarada la xagrireeyay iyo masaajidyadu aysan mu jirin liiska Unuggiisa ee argagixiyaasha aadka loo doondoonayo.

AAD LOO DOON-DOONAYO (WANTED)

Yeelkeede, Boliiski waxa ay hayeen faylka Risiqi xattaa ka hor inta uusan aadin Soomaaliya intii u dhaxaysay 2013 iyo 2014.

Risiqi ugu horrayn waxaa liiska dadka la doondoonayo lagu daray bishii Nofeember 2014.

Risiqi iyo 6 kale ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dad ka dambeeyay dilal is daba joog ahaa oo ka dhacay xeebaha Kenya.

Abriil 2015, saacado kadib markii uu dhammaaday weerarkii lagu ekeeyay Jaamacadda Gaarisa ee 147 arday nafohooda ku waayay, Boliisku waxa ay faafiyeen magaca Risiqi iyo siddeed kale oo lagu dul qoray “Most wanted”.

Dadka Risiqi liiska la doondoonayaasha kula jira waxa ay kala ahaayeen Ismaaciil Shosi Maxamad oo loo yaqaan Ismaaciil Mmanga, Cabdikariim Mzee oo loo yaqaan Cabdul, Faarax Cabdi Faarax, Kayuni Khadiim Khamisi, Fauz Cumar Maxmad, Swaleh Ramadaan, Suleymaan Maxamd Cawad, Cabdalla Salim Marumu, Cabdifataax Abuubakr Cabdi oo loo yaqaan Muusa Muhaajir, Maxamad Abuubakar Maxamad iyo Muumin Cabdalla Muumin.

Kayuni Saraj Iyo Ramadaan wqxa ay Boliiska isku dhiibeen bishii Nofeember 2014.

SHAXDA LA DEJIYAY

Fauz Cumar Maxmad iyo Faarax Cabdi Faarax waxaa qafaashay dad aan la aqoon dib dambana looma arag. Hay’ada Xuquuqda aadanuhu ciidanka ammaanka ayay ku eedeeyeen qafaalashada labadooda.

Iska horimaad ba’an laamaha ammaanku waxa ay ku dileen Mr. Shosi, Mr. Cawad iyo Mr. Marumu.

Intii badnayd siddeedaas liiska ku jirtay qaarkood si shaki leh ayay ku qarsoomeen, qaar waa la xiray ama la dilay marka laga reebo labo eedaysane-Cabdifataax Abuubakar Cabdi oo lagu naanayso Muusa Muhaajir iyo Maahir Khaalid Risiqi.

Halka maarso 2018 uu Muhaajir ka soo muuqda liiska Maraykanka ee argagixiyaasha adduunka, magaca Risiqi marnaba lagu ma arag liiska la doondoonayaasha ilaa iyo 2016.

Sida uu ku dooday mid ka mid ah ciidanka dharcadda ah oo baarayay weerarkii talaadadii waxa uu leeyahay argagixisadu waxa ay aad horumad uga sameeyeen daboolidda war-isgaarsiintooda.

Laakiin warbixinno la helay kadib xariggii Suhaila Mwalim Bakar waxa ay muuninayaan in ay moobeelka ninkeeda la xiriiraysa ilaa sannadkaan cusub.

JIHADA CEEL CADDE

Maamulayaasha waxa ay sheegeen in naftiis halligu uu xubin ka ahaa Jaysh Al Ayman oo ah ciidan si khaas ah u tababaran ee Al Shabaab kaas oo la la xiriirinayo weerarkii la fashiliyay ee Baure ee ciidanka Kenya lagu soo qaaday 2015 iyo midkii Mpeketoni ee kaas sannad ka sii horreeyay.

Urur Goboleedka Igad waxa uu sheegay in Jaysh Al Ayman uu dabayaaqadii 2013 sameeyay Hoggaamiyihii Shabaab Axamd Cabdi Godame.

Risiqi waxa uu kooxda ku biiray kadib markii lagu marinhabaabiyay Masaajidka Muusa ee xaafadda Majengo, Mombasa kadib markii saamayn ku yeeshay Shiikh Imaan Cali oo ah baanduule Shabaab Kenyan ah kaas oo ka dambeeyay weerarkii Ceel cadde sannadkii 2015.

25 jirkaan ayaa Shabaab ku biiray kadib markii uu ka haray dugsiga sare  Bhadala, Mombasa 2011.

2012 ayuu guursay Marwo Bakari. Risiqi kadib waxa uu ku shaqo bilaabau bajaaj kadib inta uusan si toos u raacin koox xagjir ah ee masjidka Muusa halkaaa oo Shabaab loogu qoray.

BAXSAD

Waa halkaan halka uu kula kulmay Ramadaan Khamisi, oo asna uu soo qoray Shiikh Imaan Cali oo muuqaal aad u baahay weerarkii Ceel Cadde kaddib.

In muddo ah ayuu Risiqi ka shaqeeyay unug Jaysh Al Ayman oo saldhig ku lahaa kaymaha Boni ka hor inta uusan u tallaabin Soomaali oo Shabaab ku biirin dabayaaqadii 2013 ama horraantii 2014.

Bartamihii 2014 Risiqi waxa uu soo galay raadaarka laamaha ammaanka Kenya kadib markii uu ka baxsaday weerar ciidanku qaadeen masaajidka Muusa ee mombasa asaga iyo saaxiibkiis loo yaqaan Rambo.

Risiqi iyo Rambo waxa ay ku lug lahaayeen weerar lahu qaaday sarkaal Boliis ah bannaanka Royal Court ee Mombsa.

Halka uu Rambi ku dambeeyay la ma yaqaan

Lamaaha amnigu waxa ay sheegeen in Risiqi lugta ka dhaawacmay intii uu baxsanayay kadibna la geeyay isbitaalka Mombasa kabhir inta aan saaxiibbadiis ka saaray. Mar dambe ayuu Risiqi u baxsaday dalka Tanzania.

Boliisku waxa ay rumaysan yihiin in uu Tanzania ka tagay oo Yemen u jihaad tagay kaliyana uu soo muuqday markii sawirkiisa la baahiyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa kadib 2015.

Dib dambe Risiqi loo ma arag ilaa laga arkay asbuucii hore asaga oo jaakad miinaysan xiran oo isku la qarxinaya 14 Riverside Drive.

Waxaa Diyaariyay: Mohamed Ahmed, Daily Nation

Waxaa Tarjumey: Cali M Diini

Hadalsame Media