DAAWO: Krysztof Piatek oo haatan caafimaadka u maraya AC Milan + Sawirro

0

(Milano) 23 Jan 2019 – Sida haatan soo gaaraysa warqabadka Hadalsame Media, Krysztof Piatek ayaa goor dhowayd soo gaarey halka ay laacibiinta Milan caafimaadka ku maraan ee La Madonnina.

Caafimaad marista oo markii hore loo muddeeyay saaka saacaddu markii ay ahayd 9:00 subaxnimo ayaa dib loo dhigay ilaa 11:00 barqannimo.

Laacibka ayaa marka laga qaado tijaabooyinka guud ee caafimaad, wuxuu u shiraacan doonaa xarunta Rossoneri ee Casa Milan si uu qalinka ugu aaso qandaraas 4.5 ilaa 5 sanadood ah oo ay ku baxday 35 milyan oo euro.

Hadalsame Media