Booliiska oo kashifay arrin ay sheegeen inay ka ”khaldantay” weerarkii Nairobi (Xaaska & aabbaha wiilkii is qarxiyay oo la qabtay)

0

(Nairobi) 20 Jan 2019 – Baarayaal ka socda Nabad Sugidda iyo Unugta la dagaallanka argagixisada Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay 6 la tuhunsade oo ay ka mid yihiin xaaska iyo aabbaha nin Talaadadii isku qarxiyay 14 Riverside.

Suhaila Mwalim Bakari, oo ah xaaska Muhir Khalid Riziki iyo Khalid Jumaane Riziki, aabbah 25-jirkii is qarxiyay ayaa lagu qabtay Majengo, Mombasa, iyadoo wax laga waydiinayo xiriirkii ay la sameeyeen ninkaani kahor iyo intii lagu guda jirey falkan uu ku dhaqaaqay.

Sida uu booliisku sheegayo, 25-jirkan is qarxiyay, Muhir Khalid Riziki, wuxuu dalka soo galay Axaddii hore isagoo kasoo gudbey dhanka Ceelwaaq oo ka tirsan ismaamulka Mandera County, wuxuuna maray Takaba, kahor intii aanu degin magaalada Mooyaale.

Wuxuu deeto usoo dhaadhacay dhanka Nairobi, isagoo saaran Moyale Raha Bus, isla markii uu yimidna wuxuu u gudbey Guango estate, xaafadda Muchatha, ee ismaamulka Kiambu County halkaasoo uu degganaa Ali Salim Gichunge.

Gichunge waxaa lagu sheegay maskaxdii agaasimaysay weerarkii Talaadadii, isagoo Muhir u xil saaray doorka is qarxinta.

Sida ay booliisku sheegeen, Muhir, ayaa kusoo hormaray 14 Riverside, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu isku qarxiyo bannaanka Secret Gardens Restaurant, si dadkii goobta joogey cabsi iyo is dhexyaac loo geliyo, kaddibna ay soo galaan saaxiibadii oo rasaas ku sayri lahaa dadka, balse waxay yar oo kala go’ ah ayay sheegeen inay caawisay inay dad badani goobta ka baxsadaan.

Hadalsame Media