ARSENAL VS CHELSEA: Shaxda & safafka ay fiidkan kusoo geli karaan!

0

(London) 19 Jan 2019 – Waxaa fiidkii kulan muhiimad gaar ah u leh caasimadda London isku fara saaraya camaaliqooyinka Premier League ee Arsenal iyo Chelsea.

Dhanka Arsenal: Gunners inta gob iska dhigaan gurigooda galabta ma uga guulaysan karaan gabannada Blues? Arsenal ayaa 3-2 lagu garaacay kulan horaadkii Agoosto, iyadoo 8-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo idil ay Gunners mar qura badisay. Waxaa laga badiyay 2 jeer, 5 jeerna waa barbarro.

Waxaa dheer in fasal-ciyaareedkan, Gunners ay tahli wayday inay garaacdo kooxaha waawayn sida Chelsea, Manchester City, Liverpool iyo Manchester United, kuwaasoo aanay midkoodna ka badin.

Dhanka Chelsea: Kooxda Blues ayaa fursad wayn u haysata inay horay ugu sii dhaqaaqdo dhanka boosaska Champions League oo ay iminkaba ku jirto.

Waloow uu weli horyaalku kala bar uun yahay, misna in ay 9 dhibcood hoos u eegto Gunners waxay noqon kartaa caymis niyadeed, haddii aysan gadaal iskaga dhex yaacin. Chelsea oo 9 beenaad – oo ah door uusan u baran – ka dheelsiin karta Eden Hazard ayaan dhineceeda dhulka la dhigin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.

Hadalsame Media