Hab-dhaqan halis ku ah caafimaadka, degaanka & cimilada oo Somalia ka jira (DF oo loogu baaqay inay soo farageliso)

0

(Muqdisho) 18 Jan 2019 – Khubaro xagga degaanka ah oo uu fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka digtay Khatarta ay leedahay is-beddelka Cimillada Soomaaliya, iyadoo sidii kalena baaq arrintaasi ku aaddan u diray Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cumar, oo ka mid ah Madaxda hay’adda Conservation of Somalia, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay jirto halis xagga degaanka oo halis ku ah Cimillada Dalka.

Khabiirka ayaa taa ku macneeyay wasakhoowga ama diqoowga hawada oo ay ugu wacan tahay isticmaalka baabuurta soo degta oo u badan kuwo aad u gaboobay, wershadaha yar-yar, gubista qashinka oo aan lagu asturin halkii loogu talagalay.

Dowladda Soomaaliya ayuu khabiirku usoo jeediyay in ay xakamayso dabagalna ku samayso Gaadiidka soo degaya, shidaalka ay isticmaalayaan, matoorrada kala duwan iyo goobaha la dhigayo iyo meelaha lagu gubo qashinka.

Wuxuu bulshadana ku boorriyay in ay gacan buuxda arrintaa ku siiyaan dowladda xilna iska saaraan ilaalinta degaanka, si aysan ugu iman cudurro aanay aqoon oo ka dhasha wasakhoowga hawada iyo bay’ada.

Hadalsame Media