Madaxwayne Farmaajo oo sharaxaad ka bixiyay sababta loo Ceyriyay Nikolas Haysom

0

(Muqdisho) 15 Jan 2019 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyay sababihii keenay in dalka Soomaaliya laga ceyriyo wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Haysom.

“Waxaa noo yimid Ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (Nicholas Haysom) oo isagu laftigiisu runtii aad iyo aad uga welwelsanaa xaaladaas kala taagnaasha ah oo aan u sharaxnay oo aan ku niri hadaan Soomaali nahay, annagaa heshiina dhexdeena, intey rabto ha nagu qaadato,ma ogolin inay cid na soo faragaliso, inkastoo iyagu (Qaramada Midoobay) ay mar walba qabeen daraf sadexaad inuu soo galo, annaguna mar walba waa ku diidanayn. Maxaayeelay waxaan ognahay intey rabto ha qaadato hadaan nahay Soomaali xalka annaguu nagu jiraa, annagaana heshiinayna, cid isku keen qasbeysa malahan cid damaanad noo kala sixiixaysana malahan. Hadeey damaanad micno leedahay horaa na loogu kala saxiixay walina dhibkii qaar ka mid ah waa taagan yahay…Marka waxay ku qurxoon tahay annaga dhexdeena inaan damaanad isku noqono oo dhexdeena aan ka heshiino cid walbana aan u sheegno annagaa iska leh howlaheena, annagaa heshiinayna, annagaa walaalo ah. Taasasa keentay ninkaas  Odeyga ah (Nicholas Haysom) markaan sa fiican ugu sharaxnay dhaqanka Soomaalida iyo waxa aan hiigsanayno iyo waxaan dooneyno, Waa tuu Safar galay oo uu yiri, “Muqdisho Soomaaliya ma ahan, Soomaaliyana Muqdisho ma ahan”. Arrintaas arrin aan ka carroonay ayay ahayd oo aan wanaagsayn oo sii xoojinaysa farqiga u dhaxeeya dowladda dhexe ee Federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayuu yiri Madaxawayne Farmaajo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn intooda badan u soo dhaweeyeen go’aankii dowladda Soomaaliya ee ahaa in Nikolas Haysom aan laga rabin dalka waxaana taasi ugu dambeytii keentay in Qaramada Midoobay ay sheegto inay wakiil cusub u soo magacaabayso Soomaaliya.

Hadalsame Media.