CCW:- “Hanti-Dhowrka Guud ee la hoos-geeyey Xukuumada ayaa ka daran in ruux Ajnabi ah Baanka Dhexe loo dhiibo,”

0

(Muqdisho) 15 Jan 2019 – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa eedeyn kulul u jeediyay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu soo bandhigay qodob wax ka bedel lagu sameeyay oo ku jiray Sharcigii Hanti Dhowrka Guud ee ay shalay ansixiyeen Baarlamaanka.

Mr. Warsame kama uusan hadlin haba yaraatee isbedelka lagu sameeyay hanaanka Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa haysta Baasaboorka dalka Ingiriiska.

Warsame ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu awooddiisa gacanta isaga qaaday sida uu xusay.

Akhriso qoraalka AAW

“Sharciga labaad waa sharciga Hanti-Dhowrka Guud, Waxaa laga bedelay qodobka 20aad ee dhigayay in magacaabista Hanti- Dhowrka uu Golaha Wasiirada soo jeedinta leeyahay, halka uu Baarlamaanka ansixinayo, Madaxweynahuna wareegto ku soo saaro, Waxaa meesha laga saaray awoodda Baarlamaanka ee Ansixinta, taasoo madaxbanaani buuxda siin lahayd Hanti-Dhowrka Guud, waxaa taas bedelkeeda laga dhigay in Xukuumadu soo jeediso, Madaxweynuhuna uu wareegto ku magacaabo, Baarlamaanka gacantiisa ayuu awoodda isaga qaaday, Waxaa halkaas ka cad in uusan jirin Baarlamaan difaacaya danta Shacabka iyo dawladnimada Soomaaliya”ayuu yiri Mr. Warsame.

Waxaa uu sheegay in saameynta ay leedahay in Hanti Dhowrka Guud la hoos geeyo Xukuumadda ay ka daran tahay in ruux Ajnabi loo dhiibo Bangiga Dhexe.

“Saamaynta taban ee ay leedahay in Hanti-Dhowrka Guud la hoos geeyeyo Xukuumada ayaa ka daran in ruux Ajnabi ah Baanka Dhexe loo dhiibo, Sababtoo ah Hanti-Dhowrku awood uma laha in uu Xisaabiyo Xukuumada, ummadana Hantidooda u dhowro, Tani waxay dhabarjab wayn ku tahay horumar kasta oo laga samayn lahaa hufnaanta Hanaanka Maaliyadeed ee dalka, waxayna caqabad ku noqon doontaa deeqaha la siinayo dalka iyo daymihii laga cafin lahaa”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay u cadaatay in Baarlamaanka uu gabay awooddiisa kor-joogteynta, waxaana sugnaa in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay damiir iyo dadnimo ku hartay sida uu hadalka u dhigay.

Hadalsame Media